Haweenay Goob-joog U Ahayd 90 Xukuumadood Oo Soo Maray Talyaaniga, Oo Ku Geeriyootay 117 Jir

0
Monday 17th April 2017 20:38:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenay Goob-joog U Ahayd 90 Xukuumadood Oo Soo Maray Talyaaniga, Oo Ku Geeriyootay 117 Jir

    Taliyaaniga (Haleel) – Haweenay la aaminsanaa inay ugu da' weynayd Adduunka ayaa ku Geeriyootay dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaaniga (Haleel) – Haweenay la aaminsanaa inay ugu da' weynayd Adduunka ayaa ku Geeriyootay dalka
Taliyaaniga, iyadoo 117 sano jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi.
Haweenayda
Waxay ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Verbania ee waqooyiga dalka Taliyaaniga.
Emma Morano waxay dhalatay 29 November 1899, waxay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee inta la ogyahay dhashay 1800-aadkii walina noolaa.
Haweenaydan oo intii aanay dhimanin ka hadashay Cimrigeeda ayaa ku tilmaantay inay qayb ka mid ah Cimriga ka dhaxashay Hooyadeed oo iyado geeriyootay iyadoo 100 jir ah, Walaasheedna waxay ku dhimatay 91 jir.
Waxay sidoo kale sheegtay inay maalin kasta cuni jirtay saddax midh oo Beed ah, kuwaasi oo laba ka mid ah ay Cuni jirtay iyadoon karin ama Shiilin.
Morano waxay ahayd curad waxaana ka yaraa siddeed carruur ah oo dhammanatood kal hore dhintay.
Waxay u soo joogtay saddax qarni, dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunida ka dhacay iyo 90 xukumadood oo soo maray dalka Taliyaaniga.
Waxay dhashay hal wiil oo kali ah oo isagoo lix bilood jir ah geeriyooday 1938.
 




Source:- Himilo