Shirkadda Toyota oo Soo Saartay Gaadhi Camera-di Ku Rakiban Tahay oo Noqday Baabuurkii ugu Qaalisanaa

0
Thursday 8th December 2016 18:38:34 in Arrimaha Bulshada by Super Admin
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Toyota oo Soo Saartay Gaadhi Camera-di Ku Rakiban Tahay oo Noqday Baabuurkii ugu Qaalisanaa

    Shirkadda gawaadhida ee Toyota oo laga lee yahay dalkaasi Japan ayaa soo saartay gaadhi cusub oo noqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Shirkadda gawaadhida ee Toyota oo laga lee yahay dalkaasi Japan ayaa soo saartay gaadhi cusub oo noqday
gaadhigii ugu qaalisanaa caalamka.
Gaadhigan oo waqtigan ah mid aan suuqa soo wada gelin ayay shirkaddu soo bandhigtay qaabkiisa iyo sawiro ay kazoo qaaday, kaas oo noqday gaadhigii ugu dalabka badnaa, iyada oo ay soo dalbadeen siday madaxda shirkadaasi sheegeen dadka caalamka ugu caansan.
Gaadhigan ayaa la sheegay in loo sameeyey hab ka duwan hababkii hore ,iyada oo lagu rakibay mashiino cusub oo aan hore loo isticmaalin ,sidoo kalena u saamaxaaya inuu xawaareyaal kala duwan ku socdo ,isaga oo weliba marna is qaboojinaaya marna is kululaynaya.
Waxa kale oo gaadhigan dhinaca lagaga xidhay Camera aan la arkayn , waxaana arki kara oo fahmi kara qofka wata ee laga iibiyey oo keliyaata, iyada oo lamid ah laydhadhka dhinacyada ee Bidh bidhaha loo yaqaano.
Afhayeen u hadlay shirkadaasi Toyota oo u waramaayey wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay in muddo ah wadeen samaynta iyo qaabaynta gaadhigan, iyaga oo ka fikiraayey waxyaalaha cusub ee ay ku dari doonaan gaadhigaasi ama kusoo kordhin doonaan.
Gaadhigan ayay sheegtay shirkaddu inuu dhowaan suuqyada soo geli doono, isaga oo ku horeynaaya suuqyada wadamada Japan iyo Maraykanka sida la qorsheeyey , madaama dadka soo dalbaday ay u badan yihiin labadaasi wadan.
Gaadhigan ayaa sidoo kalena uga duwan gawaadhida shirkadaasi ay dhowaan geysay wadamada Ruushka iyo qaybo Yurub kamid ah , kuwaas oo iyaguna lahaa waxyaalo cusub oo ay gawaadhidii hore kaga duwanaayeen.
Gaadhigan waxa ku rakiban laba Mashiin oo mid weyn yahay midna yar yahay , kaas oo mid yahay 2.5 , halka ka kalena ka yar yahay, waxaanu ka yari qaadi karaa ugu badnaan laba litir oo shidaal ah, halka ka kalena inta la doono uu qaadi karo.