Ardayda Jaamacadda Harvard oo Ogaaday Wixii Sababay Masiibadii Dhacday Sannadkii 1919-kii

0
Thursday 8th December 2016 18:37:31 in Arrimaha Bulshada by Super Admin
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Jaamacadda Harvard oo Ogaaday Wixii Sababay Masiibadii Dhacday Sannadkii 1919-kii

    Ardayda jaamacadda Harvard ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waday baadhis ay doonayeen inay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ardayda jaamacadda Harvard ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waday baadhis ay doonayeen inay ku
ogaadaan waxa sababay masiibadii dadka badani ku baaba’een ee ka dhacday dekeda Boston sannadkii 1919 kii.
Ardayda ayaa sheegtay in uu sabab u ahaa dhimashada kumanaan kun oo qof qarax uu sababay Taangi kuwa ciidamada ah oo qarxay, iyada oo ay ka buuxeen waxyaalaha qarxa, waxaanay sidaasi ku sheegeen qoraal kooban oo ay ku qoreen wargeyska Telegraph oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan.
Ardayda iyo khubaradii la socday oo waraysiyo la yeeshay dadkii waqtigaasi bad baadey kuwo kamid ah ayaa sheegay in dadkaasi u sheegeen in intii aanay xaaladu is bedelin ay maqlayeen qarax aad u weyn oo dhacay, kaas oo aanay waqtigaasi garanayn waxa uu ahaa.
Taangigan ayay ku sheegeen inuu siday wax yaalaha qarxa oo aad u badan, kuwaas oo gaadhaayey ilaa 9.4 million oo tan, kuwaas oo ahaa kuwa qaraxa sameeyey , waxaana la sheegaa in ay ku dhinteen qaraxan dad gaadhaaya ilaa 21,000 oo qof, halkay dad kale oo ilaa 150,000 oo qofna ku dhaawacmeen, qaarkoodna ku barakaceen.
Ardaydan ka socotay jaamacadda Harvard ayaa sidoo kalena sheegay in ay ogaadeen in Taangigaasi ahaa mid laga keenay dhulka Caribbeans ka kaas oo kulayl gudihiisa ka samaysmay oo ahaa mid aad u badan xadi ahaan uu keenay inuu qaraxaasi ka dhasho.
Magaalada Boston ayay sannadkaasi ka dhaceen laba masiibo oo labaduba qaraxyo ahaayeen kuwaas oo midkood uu ku dhintay 12 qof, halkay ku dhaawacmeen 150 qof oo kale, waxaana isla kaasna sababay Taangi qarxay waqtigaasi.
Waa markii ugu horeysay ee baadhis lagu sameeyey dhacdooyinkaasi, iyada oo waqtiga qaraxaasi dhacay uu noqday waqti ay isbedeshay hawada magaaladaasi Boston oo qiiq iyo biro dab wataa qariyeen.