Duqa NewYork "Ilaalinta Trump Waa Mid Dhib Badan"

0
Thursday 8th December 2016 18:36:17 in Arrimaha Bulshada by Super Admin
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa NewYork "Ilaalinta Trump Waa Mid Dhib Badan"

    Duqa magaalada Newyork ee dalka Maraykanka Mr.Bell Blazeo ayaa ka dalbaday dawaladda dhexe ee Maraykanka inay usoo celiyaan kharashka ku baxaya Madaxweynaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa magaalada Newyork ee dalka Maraykanka Mr.Bell Blazeo ayaa ka dalbaday dawaladda dhexe ee Maraykanka inay usoo celiyaan kharashka ku baxaya Madaxweynaha
cusub ee Maraykanka Donland Trump amaankiisa laga bilaabo bishii Novemeber 08, 2016 ilaa iyo inta uu gelaayo guriga cad oo ah 20-ka, January 2017. Duqa Bill Blazeo ayaa maalintii isniintii sheegay in xadiga lacagtaasi dhan 35 Malyuun dollar.
Duqa ayaa intaasi ku daray in ilalinta amaanka Trump ay tahay mid dhib badan madaama uu degan yahay Dariiqa 5aad (Fifth Avenue) , waana dariiq halbowla ah oo baabuurta iyo dadka lugaynaya ku badan yihiin, iyadoo weliba dalxiisayaashuna usoo dukaamaysi tagaan.
Taliyaha Booliiska NewYork James O’Neill ayaa isna saxaafadda u sheegay inay tahay goob buuq badan wakhti kastana u baahan in si gaar ah loo ilaaliyo, waana 70 maalmood oo ka dhib badan sanado. Blazeo ayaa cadeeyay inuu waraaqaha codsiga magdhowga kharashkan ugu gudbiyay madaxweynaha Maraykanka Barak Obama si uu usii bilaabo bixinta lacagta gashay amaanka Trump mudada 70 maalmood ah.