Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Socdaalkoodi Yurub Ku Soo Khatimay Dalka Finland +[SAWIRRO]

0
Sunday 9th April 2017 12:34:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Socdaalkoodi Yurub Ku Soo Khatimay Dalka Finland +[SAWIRRO]

    Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Socdaalkoodi Yurub Ku Soo Khatimay Dalka Finland +[SAWIRRO]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Socdaalkoodi Yurub Ku Soo Khatimay Dalka Finland +[SAWIRRO]

Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminaayay ee socdaalka ku maraayay Qaarada Yurub ayaa safarkoodii lugtii u danbaysay waxay ku soo khatimeen Dalka Finland oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Jaaliyada ku dhaqan Dalka Finland ayaan u kala hadhin soo dhawaynta Waftiga Guddoomiyaha, waxaana lagaga hortagay garoonka Diyaaradaha Finland, casuumado kala duwan iyo martiqaad kadib waxa habeenkii xalay munaasibad Ballaadhan oo lagu soo dhaweynaayo Murashaxa WADDANI iyo Waftigiisa ayaa lagu qabtay Caasimadda Finland ee Helsinki .


Munasibadaas oo aad u qurux badnayd waxa ka hadlax madaxda Jaaliyada Somaliland ee Finland, haeen dhalinyaro iyo waxgarad tirobadan, xubnihii Munasibada soo dhaweynta waftiga hadalada ka jeediyay ayaa sheegay inay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo muddo dheer deganaa Dalka Finland.


Geesta kale Madaxda Xisbiga WADDANI ee Guddoomiye Cirro safarka ku wehelinaayay ayaa munasibadaas hadalo ku saabsan doorashada Dalka ka dhacaysa, xaalada dalkii ee hadda iyo socdaalka waftiga u jeedadiisa iyo Waddamada ay soo mareen ka jeediyay kulankii Jaaliyada Finland. Waxaana kamid aha Madaxdii hadaladaas jeediyay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xaji Xasan, La-taliyaha arrimaha Dibadda ee Murashaxa WADDANI Marwo Faadumo Siciid, Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo kamid ah hoggaanka Xisbiga iyo kaaliyaha gaarka ah ee Saxaafadda ee Murashaxa Muniir Axmed Cigaal.