Dalka Ugu Dadka Iyo Dhulka Yar

0
Thursday 8th December 2016 18:26:54 in Arrimaha Bulshada by Super Admin
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Ugu Dadka Iyo Dhulka Yar

    Jasiiradaha Maldef waxay ku yaallaan koonfurta bari ee dalka Hindiya. Waa dawlad dhaqaalaheedu ku tiirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jasiiradaha Maldef waxay ku yaallaan koonfurta bari ee dalka Hindiya. Waa dawlad dhaqaalaheedu ku tiirsan
yahay Kaluumaysiga iyo beeraha , laakiin waxa wakhtigan danbe ku soo kordhay oo xoogaystay dalxiiska.
Dakhliga guud ee dalka 60% , lacagta adagi waxay ka soo xeerootaa dalxiiska iyadoo quruxdiisa iyo amaankkisu soo jiito dalxiisayaasha
Dawladuna dakhligeeda 90% waxay ka heshaa cashuuraha Kastamada ee xidhiidhka la leh dalxiiska
Maldef waa dawladda ugu yar Aasiya dhul ahaan iyo dad ahaanba . Wakhtigan dalxiisku wuxu gaadhay halka ugu saraysa iyadoo sandakii 2007 ay booqdeen dalxiisayaal gaadhaya 8.3 Malyuun oo qof.
Maldeef Tirada dadkeeda waa 394 kun qof, ballac dhulkeeduna waa 90,000 km2 . Maldef waxay xoriyadda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska sanadkii 1965, iyadoo 1968 ay ka dhaceen dooraashooyin uu u soo baxay madaxweyne iyo baarlamaan. Qarinigii 18 ayuu islaamku gaadhay , wakhtigan waa dal Islaam ah oo ka tirsan Ururka dawladaha Islaamka. Maldef waxa sabab u ah dalxiiska kordhay amaanka, quruxda deegaanka iyo weliba iyadoon qofna la weydiin Fiise ( dal ku gal) , haddii uu wato passport sax ah. Waxaana uu ka mid yahay dalalka ugu nolosha wanaagsan dunida, iyo ka ugu khatarsan madaama biyaha bada uu ka sareeyo qiyaas aad u yar.