Ra'iisul wasaaraha Taliyaaniga oo is casilay

0
Monday 5th December 2016 14:09:06 in by Super Admin
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaaraha Taliyaaniga oo is casilay

    Ra'iisul wasaaraha dalka taliyaaniga, Matteo Renzi, ayaa is casilay ka dib markii looga guuleystay aftidii loo qaaday is bedel lagu sameeyo dastuurka dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Ra'iisul wasaaraha dalka taliyaaniga, Matteo Renzi, ayaa is casilay ka dib markii looga guuleystay aftidii loo qaaday is bedel lagu sameeyo dastuurka dalka.


Shir jaraa'id oo xalay uu qabtay wuxuu ku sheegay inuu qaadayo masuuliyadda natiijada ka soo baxday aftida.

Siyaasiyiintii u ololeyneysay diidmada isbedelka ayuu ugu baaqay inay qorshe cad soo gudbiyaan.

Natiijada hordhaca ah waxay muujineysaa in "MAYA" ay ku horeyso 60 boqolkiiba, halka "HAA" ay heshay boqolkiiba 40.

Dadka u soo baxay codeynta waxaa lagu qiyaasayaa boqolkiiba 70, taas oo keentay in dad badan ay diidaan dalabka ra'iisul wasaaraha iscasilay.