Xeer Ilaaliya Guud Ee Soomaaliya Oo Guddida Doorashadu U Xil Saartay Inuu Baadho Rabshadihii Ka Dhacay Jawhar

0
Monday 21st November 2016 17:57:57 in by Super Admin
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaaliya Guud Ee Soomaaliya Oo Guddida Doorashadu U Xil Saartay Inuu Baadho Rabshadihii Ka Dhacay Jawhar

    Xeer Ilaaliya Guud Ee Soomaaliya Oo Guddida Doorashadu U Xil Saartay Inuu Baadho Rabshadihii Ka Dhacay Jawhar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Ilaaliya Guud Ee Soomaaliya Oo Guddida Doorashadu U Xil Saartay Inuu Baadho Rabshadihii Ka Dhacay Jawhar
Guddida doorashooyinka dadban ee somaliya ayaa xeer ilaaliya guud u xil saaray inuu baadhis ku sameeyo rabshadihii hadheeyey doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda magaalada Jawhar.

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka dadban ee somaliya Cumar Dhagey ayaa warbaahinta u sheegay inay xeer ilaaliyaha guud u xil saareen baadhista rabshadihii ka dhacay xarunta ay ka socdaan doorashooyinka aqalka hoose ee maamulka Hirshabeelle ee Jawhar.

Gudoomiyaha guddida doorashada oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Waxaanu arintan u xil saarnay inuu baadhis ku sameeyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka kaas oo kaashanaya laamaha amaanka, waanan ka sugaynaa wixii natiijo ah ee ka soo baxa baadhitaankooda, go,aanka aanu ka qaadan doonana waanu shaacin doonaa.”
Rabshadaha ka dhacay xarunta doorashada ee magaalada Jawhar ayaa ka dhashay muran la xidhiidha doorashada taas oo uu qayb ka ahaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliya Maxamed Xasan Nuux oo ka cadhooday xubnaha u matalaya beeshiisa aqalka hoose oo ka cod batay.


Iska horimaadka ayaa sababay in hakad la galiyo doorashooyinkii aqalka hoose ee ka socday magaalada Jowhar ilaa Arbacada nagu soo foolka leh oo la fillayo in la soo dhameystiro baadhitaanka ku saabsan waxa keenay gacan ka hadalka ka dhashay doorashada.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa laga soo dooranayaa xubno ka mid noqonaya aqalka hoose oo gaaraya 37 xildhibaan,