Abwaanno Internet-ka Ka Bilaabay Silsilad SHIINLEY Ah Oo Sawir Wer-wer Leh Ka Bixinaysa Nolosha Shacabka Somaliland

1
Wednesday 1st March 2017 13:31:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaanno Internet-ka Ka Bilaabay Silsilad SHIINLEY Ah Oo Sawir Wer-wer Leh Ka Bixinaysa Nolosha Shacabka Somaliland

    Hargeysa (Haleel) – Waxa Baraha Bulshada ku kulanto ee Internet-ka, sida Facebook ka bilaabantay Silsiladan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Haleel) – Waxa Baraha Bulshada ku kulanto ee Internet-ka, sida Facebook ka bilaabantay Silsiladan SHIINLEYDA, taasi oo ka dhalatay meerisyo kooban uu abwaan Sidiiq Maxamed Burmad kaga hadlayay shirarka jaraa’id ee sida ujeeddo la’aanta maalin walba loogu qabto Magaalooyinka Somaliland.
Xasan-DhuxulWaxayse taxane maansooyin Silsilad ah isku beddeshay markii Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) uu kaga jawaabay maansada ugu horaysa maansooyinka halkan aanu ku soo ururinay.
Maansada Laab-saalax waxay abuurtay in Abwaano badan iyo dhalinyaro jecel inay wax abuuraanba kasoo jawaabaan. Waxaanay silsilad maanseedkani u muuqataa mid ka tarjumaysa dareenka bulshada Somaliland, inkastoo aanay jirin ilaa hadda aragtiyo aad loogu kala duwan yahay oo abwaannada ay iskaga soo hor-jeedaan, haddana waxa muuqata in ay noqon karto silsilad si wayn loogu kala qaybsamo, maaddaama oo Abwaannada badankoodu iskaga Marag-furayaan in Xaaladaha is-biirsaday ee ka jira Somaliland, sida Abaaraha, Sicir-bararka iyo Shaqo la’aanta Dalka ka jirta ay Sabab u tahay Xukuumadda, taasi oo Abwaannada qaarkood ku canaananayaan Farxamo-xumo iyo Daacadnimo la’aan, halka Abwaannada qaarkoodna ay Meerisyadooda ku soo darayaan Heshiisyada Xukuumddu la gelayso Dalalka Shisheeye ee doonaya inay Maal-geshi ku samaystaan Somaliland. Heshiisyadaas oo Abwaannada qaarkood tilmaamayaan in Cid gaar ahi ku danaysanayaan.

Haddaba, Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax) oo ku soo hal qabsaday Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad ayaa yidhi sida tan:-
Shaxda Garo Sadiiqoow
Ina Ganay Shilkii Dhacay
Ma ogayn Shalaytee
Batuun iyo la shawr Guray
Fartaag hoos u Wada shira
Xaaji shabaga Soo gali
Shanqadhaha badh baa jira
Laga qariyay Shicibkee
Shiishka Saar Wacyiga jira
Garashada bal Shaandhee
Xogta Shaadhka Loo Tolay
Inaad Sheegto Waa Gare
Dareenada Shakiga Dhalay
Yaa Keenay Shaarica
Goor Muu Sharcigu Yidhi
Danbi Sheekha kama dhaco?
Doonidii Shiraacnayd
Shixnadeeda Yaa dhacay?
Goormaa Shuruud Li,i
Sharka Khayrka loo Rogay?
Damiirkii Shakaalnaa
Hadmuu shilinku maamulay?
Sheekada Intaad Daday
Ha Sharaxo Wax garadkuye
Maalintii Shilkaha Culus
Laysku Shiishay Baaruud
Ninka Dhiig u soo shubay
Ee Shahiid Ku Talo Galay
Markuu Saaka Shaacee
Qiiq Shareeran Daawaday
Shalay Dhaantay buu yidhi!!!
………………………………….
Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad, oo isaguna u jawaabaya Abwaan Laab-saalax, ayaa yidhi sidan:-
laabsaalaxow shiiq
ninkastoo shax dhigi jiray
mas-dilkaa ka shicib badan
jiiraanka soo shiri
wax u sheeg haweenkii
ubadkiina kaga shubay
laabsaalaxow shiiq
ninkastoo shax dhigi jiray
masdilkaa ka shicib badan
jiiraanka soo shiri
wax u sheeg haweenkii
ubadkiina kaga shubay
shookaanta kuu qabay
shib dhe kii la odhan jiray
shicib waa” indheergarad
markii shaalka loo sudhay
iyagoo wan shilis qalay
waa kuwaa shariiryaha
cunayee ka sheekee
iyagoo intii shalay
aan shilin cid uga tagin
waa kuwaa shandado kale
rartayee ka sheekee
cirkanoon raxmaad shubin
shansannoo abaaro ah
bal kuwaa shaqaystee
shilinkii yimaadaba
shuuqsaday ka sheekee
sida shaagga loo rogo
shishe iyo dib loo wado
waa kuwaa shuruucdii
shabagii ugaadhsiga
ka dhigee ka sheekee
shaqaaqooyin faafiyo
xaalado shacbiga dhiba
guddi shaaci mooyee
awoodaha dabkoo shidan
shuuriya ka sheekee
shaqsibaa la doortee
shaadh bira rag loo tolay
iyo dhowr shalmado xidhan
shidhku deeqi maayee
shil intaanu wali galin
wadayaal ka sheekee
waa amar shirkadahoow
u shaqeeya caynkaa
shilinkaa la kabayaa
bal inay shantarad tahay
shalay uun go’aankii
dhacay uun ka sheekee
baryahaaba shalowyay
qodayeen shisheeyuhu
shaqadooda yaa yidhi
shidaal baadhis weeyaan
sahan aan xog sheegayn
bal aduu ka sheekee
Dhamaadka wada sheekaysiga
…………………………………………….
Abwaan Axmed Cismaan Batuun, oo isaguna soo galay Silsiladdan, ayaa yidhi:-
Shirka maansayahankee
Xasan shaaciyoow bado
Ha is dhaafo shoocaac
darandoorriyoo shuba
Shida oo ha oogsado
Ha shaqeeyo golihii
Shiishka saari jiray meel
Ee shicibku tabayeen
Hala gubo shayaadiin
Ku shaqaysta dhawr magac
Qudhayduna shilays iyo
Murti sheegan maayoo
Shaaggaan u rogayaa
Shookaanna ma lehee
Ragii shiili jirayee
Sida shaanbaddoo kale
Shadka saari jiraybaan
Xalay sheedda ka arkoo
Isla shawrisbaa tidhi
La shaqee abwaanada
Kala shubay warkiinii
Shaandheeyay weedhaha
Runtu waa shahiidnimo
Dadna shaahid weeyaan
Gefka sheelan lagu yuus
Hal abuurka shicibkuna
U bayaami shuqulada
Shakaal goo dulqaadkii
Shar ka wayn siyaasiga
Iyo sheeko daahnayd
Hal abuurku isu sheeg
Sharafyahaw maryaha tolo
Adna sheekh haldeeqoow
Qabo shamaca nuurka leh
Ha shallaado maansadu…..
La Soco Abwaannada kale waxay ka yidhaahdeen Silsiladda.


HIMILO