[Deg Deg]:-Cali Khaliif, Baashe Maxamed Cadde, Xildhibaano Ka Soo Kala Jeeda Khaatumo Iyo Somaliland Iyo Cuqaashii Degaanka Oo Shir Deg Deg Ah Ku Kulmay

0
Tuesday 28th February 2017 21:36:16 in Wararka by Xafiiska Burco
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Deg Deg]:-Cali Khaliif, Baashe Maxamed Cadde, Xildhibaano Ka Soo Kala Jeeda Khaatumo Iyo Somaliland Iyo Cuqaashii Degaanka Oo Shir Deg Deg Ah Ku Kulmay

    [Deg Deg]:-Cali Khaliif, Baashe Maxamed Cadde, Xildhibaano Ka Soo Kala Jeeda Khaatumo Iyo Somaliland Iyo Cuqaashii Degaanka Oo Shir Deg Deg Ah Ku Kulmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
[Deg Deg]:-Cali Khaliif, Baashe Maxamed Cadde, Xildhibaano Ka Soo Kala Jeeda Khaatumo Iyo Somaliland Iyo Cuqaashii Degaanka Oo Shir Deg Deg Ah Ku Kulmay

Wararka naga soo gaadhaya degaanka Xidhxidh ee Koofurta Gobolka Sool ayaa sheegaya inay halkaasi maanta shir uga bilaabmay Madaxweynaha Maamulka KhaatumoProf. Cali Khaliif Galaydhoo ay weheliyaan xildhibaano iyowaxgarad kale oo la shaqeeya maamulkaasi oo dhinac ah iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland,Baashe MaxamedCadde, oo ay weheliyaan Xildhabaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan ee Somaliland iyo Siyaasiyiin caan ka ah Somaliland kana soo jeeda degaankaas Koofurta Degmada Laascaanood.

Siyaasiyiinta ka socota dhanka Somaliland waxaa ka mid ah XildhibaanMaxamed Axmed Dhakool,Xildhibaan Cawil Cabdilaahi Caydiidiyo Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Somaliland,Mudane Axmed xasan [Casoowe].

Dhanka Khaatumo xubnaha fadhigan ku wehelinayey Madaxweynaha waxaa ka mid ahXildhibaan Maxamed Cali hayaaniyoXildhibaan Maxamed Axmed Yaasiin.

Sidoo kale waxaa goob joog ah labaataneeyo madaxdhaqameed iyo waxgarad kale ah oo ay kamid yihiinJiif CaaqilCabdikariim Dhookir,CaaqilCali Xirsi Cawl,CaaqilXuseen Axmed Cismaan iyoCaaqilDaahir Maxamed Cumar iyo waxgarad kale.

Shirkan oo aan ilaa hadda wax war ah oo rasmi ah aan laga soo saarin ayaa dad dhegadhegeeyey u sheegeenlaascaanood.cominuu ku saabsanyahay is laab xaadhasho beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo iyo siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ee ay kala fikirka ahaayeen muddo dheer. Dhanka kale, waxaa la sheegay inay si weyn u giorfayn doonaan nabadaaynta degaanada Koofurta Laascaanood oo la sheegay inay noqon doonto ajandahooda xubinta ugu weyn.






Muhiim – Daawo, Akhriso: Warmurtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Xidhxidh Ee Cali Khaliif Iyo Somaliland

 

WARMYRTIYEED: SHIRKA XIDHXIDH

Waxaa magaaladaXidhxidhee gobolka Sool maanta oo taaiikhdu tahay27 February, 2017shir isugu yimi madax ka kala socotaMaamulka KhatumoiyoGolayaasha Somaliland. Shirkaas oo bilow u ah sidii loo midayn lahaa hoggaanka siyaasadeed ee dadka deggan Gobollada Sool, Sanag iyo Cayn ee ka kala tirsan dawladda Somaliland,Khaatumo, Puntland iyo Dawladda Federaalka si meel looga wada abbaaro danaha iyo dhibaatooyinka ka jira degaanka iyo dadka ku nool gobolladaas. Gebagebadii shirku:
  1. Wuxuu ugu baaqay Somaliland iyo Khaatumo inay ka qaataan dowrka kaga aadan meel marinta nabadii labada beelood ee Bahararsame iyo Khayr Cabdi ku heshiiyeen.
  2. Waxaa labada beelood ee ehelka iyo walaalaha ah loogu baaqay xoojinta nabadda iyo ilaalinta xasiloonida degaanka iyagoo laga codsaday inaytixgliyaan xaaladaha adag ee abaareed ee dadku ku jiraan xilligan.

Allaa Mahad Leh

GOOBJOOG:
Madaxweynaha maamulka Khaatumo ,Cali Khaliif Galaydh
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland,Baashe Maxamed Faarax
Xildhibaan Maxamed Axmed Dakool
Xildhibaan Cawil Cabdillaahi Caydiid
Xildhibaan Maxamuud Axmed Yaasiin
Xildhibaan Maxamed Cali Hayaan
Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland,Axmed Xasan Cali [Casoowe]