Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan UK Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

0
Monday 27th February 2017 22:39:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan UK Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

    London(Haleel) Dhalinyarada Reer Somaliland Ee ku Dhaqan Dalka UK Ayaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
London(Haleel) Dhalinyarada Reer Somaliland Ee ku Dhaqan Dalka UK Ayaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe


 Magaalada London ugu sameeyay Casho-Sharaf .
Kulan-kan Casho-Sharafta ah ayaa daarnaa xog-waraysi dhex maray Gudoomiyaha Iyo Dhalinyarada, Iyadoo uu Gudoomiyuhuna uu halkaasi uga jeediyay Lecture, Ku saabsanaa Xaaladihii kala gaddisanaa ee uu dalkusoo maray, Marxaladda uu hadda ku suganyahay iyo sida looga bixi karo .
Dhalinyaradan oo ka mid ah Haldoorka Iyo Labeenta Dhalinyarada Ku Dhaqan Dalka UK, ayaa aad ula dhacsana Siyaasadda Gudoomiye Faysal iyo halka uu ka taaganyahay Dalka, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay Dal-jire umaddiisa Daacad u ah, isla markaana Mudan in uu Dalkan Hogaaminno .


Muddooyinkii u danbeeyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu si wayn u soo jiitay Bulshada Reer Somaliland meel kasta oo ay ku dhaqan-yihiin, iyagoo Dhalinyarada Reer Somalialnd ay hadda u soo jeesteen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .


Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa muddooyinkii u danbeeyay Khudbadihiisa Iyo Dhaq-dhaqaaqyadiisuba ay si wayn u soo jiiteen Bulshada Reer Somaliland, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay Badbaadiyaha kaliya ee maanta marxaladdan dalka ka saari karaa .
Kulankan Casho Sharafta ah ayaa ku soo dhamaaday jawwi degen oo farxadi ku dheehantahay .