"Waxyeellada Qabiilka Waxaynu Ka Baxaynaa Markaynu Lacag Yeelano Ee Qofna Aanu Qof Kale U Baahan……" Wasiiradda Maaliyadda Somaliland

0
Monday 27th February 2017 15:58:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxyeellada Qabiilka Waxaynu Ka Baxaynaa Markaynu Lacag Yeelano Ee Qofna Aanu Qof Kale U Baahan……" Wasiiradda Maaliyadda Somaliland

    Dubai (Haleel) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Dubai (Haleel) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka
hadashay sida Qabyaaladda Somaliland ka jirta ku suulli karto iyo weliba Faa’iidada ku jirta marka Qabiilladu isku bahaystaan inay wax wanaagsan sameeyaan.
Warka SamsamWasiir Samsam Cabdi Aadan oo hadal ka jeedisay Xaflad Jaaliyadda Reer Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabtu habeen hore u sameeyeen Wefti ka socda Xukuumadda oo halkaa u tagay dhamaystirka Heshiiska Shirkadda DP World, ayaa ka sheekaysay Hab-dhaqanka Shacabka Somaliland iyo sida Hadalka badan ee ay Caanka ku yihiin aanu dhibaato u ahayn ee uu Afka oo keliya ku kooban yahay.
Wasiiradda oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi, "Somaliland waynu ku faanaynaa, waxaynu nahay Ummad wanaagsan oo karti leh, Hadalkaa la hadlayo ee Qofku dhibsanayo (Mooyaane) Qof Qof dilaa ma jiro, ileyn waydinka arkay oo Kursiga waa la isku dillaa (Dalalka kale ee Adduunka’e).”
Wasiir Samsam waxay ka warrantay in Shaqsiyaadka Warbaahinta ka hadla ama wax ku qoraa ka dhigtaan wax ay ku nafisaan, "Inta wax lagaa qoro oo lagu Caayo ayaa hadhow kii ku Caayey kaa soo hor-baxayaa, markaasuu ku odhanayaa Maad akhriday waanigii wax kaa qoraye, wax Mushkilad ahna maaha, oo Dimuqraadiyadda waxaynu u dooranay inay Dadkeennu Aragtidooda Cabbiraan oo ay Warbaahinta ka hadlaan.”




Wasiir Samsam waxay sheegtay in Waxtarka Qabiilka laga garan karo kaalinta ay Reeruhu ku leeyihiin Gurmadka Abaaraha ka jira Somaliland, "Imika Abaaraha xoog-baan uga shaqeynayey, inta Dawladdu tareyso (Dadka Abaareysan) iyo inta Dadka Qabiilku tarayo way is leeg-yihiin. Waayo? Qabiil walba wuu is abaabulayaa, Biyihii bay bixinayaan, Raashinkii bay bixinayaan, bustayaashii bay bixinayaan, markaa waa Ummad is-kaalmaynaysa. Markaa inta aynaan Gaadhin Dawlad hano-qaadday sida Ingiriiska oo la qaadanayo taageero Dhaqaale, waxa weeyaan Qofka iyo reerkooda. Qofka Magaalo u soo hoyda waxa la odhanayaa Reer-maad tahay? Dabadeedna waxa loo geynayaa reer Hebel oo dejinaya, markaa Qabiilkeennu wax-tarna wuu leeyahay, waxyeelana wuu leeyahay, laakiin waxyeelladiisa waxaynu ka baxaynaa markaynu Lacag yeelano ee Qofna aanu Qof kale u baahan, ee ILAAHAY khayraadka inna siiyo, ee halkaad Magaalada ka joogto iska degto, ee aad Gurigaaga iyo hawshaada ku fillaato, markaa Qabiilku sidaas ayuu ku suulayaa ee aynu Dawlad adag noqonno haddii Alle yidhaahdo..”ayay tidhi.

HIMILO