''Aniguna Barigaan Dhalinyarta Ahaa Gabaydiisa Abwaanka Aad Ayaan Ujeclaa Una Dhagaysan Jirey". Wasiir Cali Xasan Maxamed.

0
Saturday 25th February 2017 02:12:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Aniguna Barigaan Dhalinyarta Ahaa Gabaydiisa Abwaanka Aad Ayaan Ujeclaa Una Dhagaysan Jirey". Wasiir Cali Xasan Maxamed.

    Hargeisa (Haleel) Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud" Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa (Haleel) Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud" Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud

Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Caawa Ka Qeyb Galay Bandhig Suugaaneed Loo Sameeyey Abwaan Aadan Tarabi Jaamac.

Caweys Suugaaneedkan Oo Ahayd Madal Lagu Soo Bandhigayey Buug Laga Qorey Suugaantii, Murtidii, Heesihii, Iyo Riwaayadihii Hal-abuur Aadan Tarabi Jaamac Waxa Soo Qabanqaabiyey Buugana Soo Daabacay Shirkadda Daabacaadaha Ee Sagaljet, Waxa Lagu Soo Bandhigay Hotel Green Plaza.




Madashan Ayaa Waxa Kasoo Qeybgalay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Xubno Golaha Wasiiradda Ka Tirsan, Badi Golaha Abwaanadda Somaliland, Cabdi Qeys, Axmed Saleebaan Bide, Abwaan Dheeg, Abwaan Dacar Oo Dhammaantood Marti U Ahaa Saaxiibkood Abwaan Aadan Tarabi Oo Madashu Ucaruusneyd.

Ugu Horeyn Waxa Madasha Kawada Hadley Golaha Abwaanadda Somaliland Waxay Dhammaantood Iskadaba Mareen Kana Maro Kaceen Kalintii Abwaan Aadan Tarabi Kaga Jirey Wakhtigii Halganka Iyo Gobihii Iyo Fagaarihii Kala Duwaanaa Ee Ay Lasoo Wadaageen.

Xubanaha Golaha Wasiiradda Ee Kasoo Qeyb Galay Xafladda Ayaa Iyaguna Dhinacooda Amaanay Abwaanka, Waxaanay Kamaro Kaceen Waxqabadkiisi Iyo Halgankii Uu Usoo Galay Dalkan Iyo Dadkani Sidii Ay Nabadd Ugu Noolaan Lahaayeen. Waxaanay Tilmaameen In Isaga Iyo Inta Lamidka Ahi Mudanyihiin In Siweyn Looga Warhayo.






Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Isna Dhinaciisa Umahadceliyey Abwaan, Dhaqan Yaqaan, Hal-abuur Aadan Tarabi, Waxaanu Sheegay In Isagu Shakhsiyan Jecelyahay Suugaanta Abwaanka, Waxaanu Yidhi:

" Ugu Horeyn Farxad Gaara Ayey Iitahay Inaan Caawa Madashan Kasoo Qeyb Galo, Madal Lagu Soo Bandhigayo Buugga Hangool Ee Laga Qorey Abwaan Hal-abuur Aadan Tarabi Jaamac, Oo 50-kii Sannaadood Ee Udanbeeyey Ahaa Ragii Shamac Sugaanta Somalida Usidey"

" Gabayadda Malxamadda Ee Laga Soo Minguuriyey Carabta Waa Abwaankii Keenay Ee Tiriyey, Waanan Sugaanyahay Dhaadhi Aadna Ugu Dhuundaloola Dhinaca Dhaqanka, Aniguna Barigaan Dhalinyarta Ahaa Gabaydiisa Abwaanka Aad Ayaan Ujeclaa Una Dhagaysan Jirey".

"Gabayadiisa Waxaan Ujeclaa Dhalinyarta Wax Tirisana Usheegayaa Hadii Ay Rabaan Inay Dhaqanka Bartaan Kana Faa'ideystaan Oo Ay Dib Uraacaan Dhaqankoodii Iyo Dhaxalkii Umadoodu Lahaayeen Waa Gabayga ".



Ugu Danbeyn Xafladdan Ayaa Kusoo Dhamaatay, Waxana Lagusoo Afmeeray Heesihii Abwaan Aadan Tarabi Curiyey Wakhtiyadii Hore Iyadoo Fanaaniitu Madasha Ka Qaadeen.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Af-hayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud JSL