Siyaasi Axmed Ubaxle Oo Is-barbar Dhigay Dawladnimadii Xukumaddii Rayaale Iyo Xukumadaha KULMIYE

0
Monday 10th September 2018 11:29:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Axmed Ubaxle Oo Is-barbar Dhigay Dawladnimadii Xukumaddii Rayaale Iyo Xukumadaha KULMIYE

    Siyaasi Axmed Ubaxle Oo Is-barbar Dhigay Dawladnimadii Xukumaddii Rayaale Iyo Xukumadaha KULMIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Siyaasi Axmed Ubaxle Oo Is-barbar Dhigay Dawladnimadii Xukumaddii Rayaale Iyo Xukumadaha KULMIYE



Hargeysa (Gargaar) Wasiirkii Hore Ee Warshadaha Somaliland Cahdigii Dowladii Riyaale Axmed Ubaxle oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Dowladii UDUB ay dhanka maamulka iyo isku haynta Bulshada ay kaga wanaagsanayd Xukuumaddii KULMIYE, isaga oo Dowladdii hore ee Axmed Siilaanyo ku eedeeyey inay shadaafaha u laabtay Hantidii Qaranka Somaliland lahaa, waxaanu xusay in aanay jirin Hanti Qaran oo hadhay oo la diiwaangeliyaa.

Siyaasi Axmed Ubax leh ayaa haddalkiisu u dhignaa sudan:-" Dowladii UDUB wax-yaabaha ay kaga duwanayd Dowladahan kale oo dhan waxay ahayd Dowlada laga baqo ayey ahayd oo hadalkeeda iyo kelmadeedu jirto oo masaalixa iyo Dad isku wadka iyo xanaanaynta aan ka tegin ayey ahayd, Nidaam qaabaysan Dowladaysan laga baqo oo sharcigu uu noqday sharci , hadii la fulinayo in la fuliyo oo aanay fulintiisu muran badan geli jirin, hadeer maalin walba shuruuc ayaa soo baxda inaynu fulino waxaad moodaa in dib looga fadhiisto, tan hadda kasoo qaada tirinta Hantidii Dowlada .” Ayuu yidhi Ubaxle.






Waxaanu intaasi ku daray in aanay jirin hanti qaran oo la diiwaangeliyaa Hadda, isagoo sheegay inay Xukuumaddii hore ee KULMIYE dabka saartay iyo UDUB oo wax yar ka cuntay ‘ Horta Maxaa hadhay ee la tirinayaa annigu waxaan leeyahay wax-badan oo hadhay ma jirto, Xukuumad kasta inbay taa-taabatay, waxaan odhanayaa annigu UDUB ayaa ugu yarayd .”

Dhanka kalene Siyaasi Axmed Ubaxle ayaa ka hadlay Hawada Somaliland, taasi oo uu sheegay in lagu wareejiyey shirkad Macaash doon ah oo Talyaani ah,balas " Iyadoo aan dhicin ayaan warka helay ilaa Madaxweynaha waan ku wergeliyey in Hay’add Talyaaniya la sameeyey oo gebigeediiba si baayac mushtariya loo wareejiyey hawadeeni, waxay ila tahay horta Dowlada la aqoonsanyahay ma nihin, cid kasta oo soo martay Wasaaradda duulista iyo Hawada dedaal inay gacanta ku hayso wey isku dayeysay, lakiin mushkiladu waxa weeye aan inta badan Dadku fahansanayn arrintanu waa arrin Ganacsi la xidhiidha KENIYA, dan ayey ku leedahay ICAO dan ayey ku leedahay tan Talyaaniga ah ee Gacanta iminka loo geliyey wax ayey ku leedahay wax ayaa la kala faa’iidayaa .”Ayuu yidhi Ubaxle



Source: Wargeyska Waaberi