Shir-guddoonka Guurtida Oo Ballanqaaday In Ay Wax Ka Qabanayaan Wasiir Guri Barwaaqo

0
Sunday 9th September 2018 11:46:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir-guddoonka Guurtida Oo Ballanqaaday In Ay Wax Ka Qabanayaan Wasiir Guri Barwaaqo

    Hargeysa(Gargaar) Shir Guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigii shalay ku sheegay inay maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Hargeysa(Gargaar) Shir Guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigii shalay ku sheegay inay maanta Guddi u saarayaan Cabasho ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo taasi oo ay Golaha u Gudbiyeen Haweenka Garxajis oo ka cabanaya Buugga uu Qoray Wasiir Guribarwaaqo.

Guddoomiya ku-xigeenka Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa shalay golaha ku wargeliyay cabashada haweenka "Waxaanu heynaa cabasho ay noo soo gudbiyeen qayb ka mid ah Bulshada oo Haween weynaha ka mid ah, waana waajib xaqna waa loo leeyahay Bulshada ciddii cabaneysa ee Golaha cabasho u soo gudbisa in la qanciyo oo cabashadoodu hadday tahay mid uu goluhu wax ka qaban karana uu ka qabto, haddii kalena la tilmaamo cidda ku hawlan ama hawshaasi shaqada ku leh, markaa waxaanu doonaynaa Guddi ayaanu u qabanaynaa magacyadoodana Berri (Maanta) ayaanu halkan ka sheegi doonaa , Cabashadaasi waxa weeyaan waa Cabasho ay soo jeediyeen Haween Ka mid ah Haweenka Somaliland oo Cabanaya,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye xigeenka Guurtida.







Dhanka Kale Haweenka Beel weynta Garxajis oo si gaar ah ula hadlay war-baahinta ayaa sheegay inay cabasho tan la mid ah hore ugu Gudbiyeen Golaha Wakiillada isla markaana ay war-qad u direen Madaxweyne Biixi, balse uu ka soo jawaab celin waayey. waxay xuseen inay hadda miciin bideen Golaha Guurtida oo ay cabasho ka dhan ah u Gudbiyeen Wasiir Guribarwaaqo,isla markaana ay ka dhursugayaan oo ay dhawrayaan talabada Golaha Guurtidu uu ka qaado arrintaasi.

" Laba Hablood ayaanu u dhiibnay War-qad waxaanu u dirnay Golaha Guurtida , waxaanu is nidhi Markii Golihii Wakiilladu wey qayliyeen wey ka hadleen Ninkii wey u yeedheen Madaxweynaha War-qadayadii waa loo geeyey wuu naga aamusay, maaddaama Golihii wakiillada waxaas lagu sameeyey, Waxaanu is nidhi Maanta madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirtee Golaha Guurtida u geysta Dacwadiina.” Sidaas ayaa ka mid ahaa hadalka haweenka.

Dhanka kale Haweenka waxay si toos ah farriin nasteex ah ugu direen Wasiir Guribarwaaqo, waxaanay sheegeen inuu haysto fursad uu ku sixi karo wiixii ka qaldamay Buugga Sooyaal ee u qoray" Waxa weeye inaynu fursadaha khasaarino maaha waxaan si toos ah ula hadlayaa annigu cid kale lama hadlayo Qoraaga Buugga qoray ahna Wasiirka War-faafinta waxaan u sheegayaa in aanu khasaarinin furadaa kale ee soo martay oo ah in maanta haddii Buugii dib looga hadlay inuu ka faa’iidaysto oo uu Go’aan ka gaadho, laakiin waxa weeye Magaca hablaha Ciidagale ee Buuggaa ku qoran inta uu ku qoran yahay in aanu u sheegayno Wasiirka in aanan seexanayn..”

Docda kalene Haween weynaha Garxajis ayaa sheegay inay Dacwado ka dhan ah Buugaasi u gudbinayaa Baarlamaanka Yurub iyo ka Dowlada Ingiriiska ee uu dhalashadeeda haysto Wasiir Guribarwaaqo "Baarlamaanka Ingiriiska waanu geynaynaa oo ka Yurub ayaanu geynaynaa oo Geneva ayaan u geynaynaa ha ogaadu in aanu buugani ku hadhaynin sidaas..”Ayey yidhaah-deen Haweenka Garxajis.

Wasiir Guribarwaaqo ayay hore u hadheeyeen cabashada ka dhalatay weedho deel qaaf ku ah haweenka Ciidagale oo ku jira buug uu qoray laakiin, waxa hadda muuqata in aanay cabashadaasi damin kadib markii ay socon waayeen baaqyada dadka buugga dhibsaday oo ahaa in buuggaasi la gubo, dib loo saxo ama wasiirka laga qaado xilka lana mariyo wixii sharcigu ka qabo aflagaadadaasi.