[War Deg Deg Ah:-] Xukumadda Somaliland OO Hadda La Wareegtay Gacan Ku Haynta Haamaha Shidaalka

0
Sunday 9th September 2018 11:18:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg Ah:-] Xukumadda Somaliland OO Hadda La Wareegtay Gacan Ku Haynta Haamaha Shidaalka

    Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland saaka si toos ah ula wareegtay gacan ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland saaka si toos ah ula wareegtay gacan ku haynta iyo maamulka keyda haamaha shidaalka magaalada Berbera oo ay hore xukuumaddii madaxwyane Siilaanyo ugu wareejisay ganacsato madax banaan.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan soo saaray warreegto uu ku amraayo in gancanta dawladda dib loogu soo celiyo keydka haamaha shidaalka Berbera oo hore loogu wareejiyey ganacsato madax banaan. Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay ganacsatada haamahaasi maamulaysay iyo xukuumadda madaxwayne Biixi iyadoo in muddo ah laysku af-garan wayay wareejinta haamaha shidaalka magaalada Berbera – tasina ay keentay in dib u dhac ku yimaado wareejinta haamaha shidaalka.





Ganacsatada gacanta ku haysay haamaha shidaalka Berbera ayaa iyagu hore u sheegay in aanay haamahaasi wareejin doonin ilaa inta dalabkooda loo fulinaayo, bal se wararka aanu helayno ayaa sheegaya in khilaaf uu iyaga dhex dooda soo galay isla markaasina ay xukuumadda Somaliland ka faa’iideysatay khilaafkaasi isla markaasina saaka munaasib ay xukuumaddu haamaha shidaalka Berbera kula wareegayso lagu qabtay xarunta keyda shidaalka ee Berbera.


Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa ka qeyb galay munaasibadani maamulka iy gacan ku haynta haamaha shidaalka Berbera lagu wareejinaayo, waxaana ka mid ah mas’uulijnyiinta ka qeyb galay xafladda wasiirka ganacsiga, hanti dhowraha guud ee qaranka, xisaabiyaha guud ee qaranka, maamulka gobolka Saaxil.

Dhanka kale ganacsatada haamaha shidaalka Berbera gacanta ku haysay ayaan iyaggu qaarkood ka soo xaadirin madashaasi lagu wareejinaayo haamaha shidaalka Berbera.