[Fadeexad Culus:-] Xanaanooyinkii Caafimaadka Ee Burco Oo Laydhkii Looga gooyay Dayn Lagu Yeeshay

0
Saturday 8th September 2018 12:38:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Fadeexad Culus:-] Xanaanooyinkii Caafimaadka Ee Burco Oo Laydhkii Looga gooyay Dayn Lagu Yeeshay

    [Fadeexad Culus:-] Xanaanooyinkii Caafimaadka Ee Burco Oo Laydhkii Looga gooyay Dayn Lagu Yeeshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
[Fadeexad Culus:-] Xanaanooyinkii Caafimaadka Ee Burco Oo Laydhkii Looga gooyay Dayn Lagu Yeeshay


 


Burco (GGN):- Xanaanada dhexe ee magaalada burco iyo xanaanooyinka kenya iyo faarax oomaar ayaa muddo wiig ku dhaw bilaa laydha kadib lacago is gaadhay oo shirkadda laydhka burco ee Heco kasoo saari wayday wasaaradda caafimaadka gobolka togdheer iyo haayado bixin jiray lacagta laydhka iyadoona arintaasi aanu wax wara ka hayn wasiirka wasaaradda caafimaadka somaliland aanu isuduwaha wasaaradda ee gobolka togdheer aadan Malay gaadhsiin daynta Faraha badan,






shirkadda laydhkuna ku dooday inay wasaaradda caafimaadka digniino badan oo ay siiyeen ku bixin waayeen lacagta. Xanaanooyinkan bilaa laydhka ayaa shaqooyinka ugu badan u haya bulshada burco iyo danyarta reer guuraagaa ee gobolka togdheer oo habeenkii xiliyada danbe lakeeno dad xanuunno kala duwan la liitta iyo waliba hooyooyin uur leh oo adeegaa bilaashkaa eexaysta.



 

 

Laydhka ayaanay ka maarmin adeegyada caafimaadka ee bulshadu hesho sida ay iisheegeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka, Dhanka kale waxaa laga soo sheegayaa deegaanada miyigaa ee gobolka togdheer in ay xidhmeen badiba xanaanooyinkii adeegyada u qaban jiray dadwaynaha deegaamadaa ku nool waxaana lagu sababeeyay mushahar la’aan daawo la’aan iyo waliba laydh la’aan oo lasiinin dabb bixiye ama solar ay isticmaalaan’ Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka togdheer aadan Malay oo dhawaan xilkan loo dhiibay ayay hoos usii dhacday iyadoo awal horena laangadhaynaysay wasaaraddu wasiirka caafimaadka somaliland ayaan ka warhayn habacsanaanta ka jirta wasaaradda caafimaadka ee gobolka togdheer.


Mahad Cali Goodir

Burco.