Tirada Dhimadashada Dagaal Beeleedkii Gobolka Sool Oo Sii Korodhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
Saturday 8th September 2018 11:28:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dhimadashada Dagaal Beeleedkii Gobolka Sool Oo Sii Korodhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

    Tirada Dhimadashada Dagaal Beeleedkii Gobolka Sool Oo Sii Korodhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Tirada Dhimadashada Dagaal Beeleedkii Gobolka Sool Oo Sii Korodhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay



Wararka ka imaanaya Magaalada laas Caanood ee Gobalka Sool ayaa Sheegaya in xiisad dagaal weli laga dareemayo deegaanka dhumey iyo deegaano kale ,kadib markii labo ruux la dilay,iyadoona sidoo kale la dhaawacay labo kale,taasi ayaa keentay inuu sii kordho khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay degaanka Dhumey.

Tirada dadka ku dhintay dagaalka u dhexeeya labada beelood ee wada dega deegaanka dhumey ,ayaa waxa lagu sheegay in ay gaarayso labaatan qof , halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.





Masuuliyiinta Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa ay waxgaradka ugu baaqeen in ay damiyaan colaada ka taagan degaanka dhumey oo hoostaga Magaalada Laas Caanood ee gobalka Sool.

Wararka qaar ayaa Sheegaya in degaanka Dhumey ay dilal la xiriir Aanooyin qabiil ay ka dhacayaan deegaankaasi,iyadoona ay xusid mudan tahay in ciidamo ka tirsan Soomaaliland la geeyay gudaha deegaanka Dhumey iyo degaanada kale oo hoostaga Magaalada Laas Caanood ee Gobalka Sool