Maamulka Galmuduq Oo Wacad Ku Maray In Odayaasha Laga Haysto Uu Dagaal Iyo Xoog Ku Soo Furan Doono

0
Thursday 6th September 2018 07:39:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Galmuduq Oo Wacad Ku Maray In Odayaasha Laga Haysto Uu Dagaal Iyo Xoog Ku Soo Furan Doono

    Muqdisho (GGN) Waxaa maalintii afaraad gacanta Al-Shabaab ugu jira 70 qof oo ay ka afduubteen deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Muqdisho (GGN) Waxaa maalintii afaraad gacanta Al-Shabaab ugu jira 70 qof oo ay ka afduubteen deegaanka

Galqoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Sidda ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolka Galgaduud dadkan ayaa ku kala xiran Degmadda Ceel buur iyo Degaanka Ceel garas ee isla Gobalka Galgaduud.

Dadka Al-Shabaab afduubteen ayaa waxaa ay isugu jiraan Odayaal, Dhalinyaro iyo waxgarad, kuwaasi oo loo haysto diyo ay Al-shabaab ka doonayaan dadka degaanka Galqoryaale ku dhaqan.

Wasiir Ku xigeenka Amniga ee maamulka Galmudug Mahad Xasan Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa waxaa uu Sheegay in Maamulka Galmudug ay wadaan abaabul lagu soo furayo dad ay dhawaan Afduubteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhawaan ay Al-Shabaab ka saari doonaan qeybo ka mid ah Bariga gobalka galgaduud.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay kordhiyeen afduubka ay ka geysanayaan qeybo ka mid ah gobalka galgaduud.