[Akhriso:-] Ninka Bedelaya Micheal Keating Ee Noqonaya Ergeyga Qaramada Midoobay Ee Federaalka Soomaaliya

0
Wednesday 5th September 2018 09:40:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:-] Ninka Bedelaya Micheal Keating Ee Noqonaya Ergeyga Qaramada Midoobay Ee Federaalka Soomaaliya

    Akhriso:-]Ninka Bedelaya Micheal Keating Ee Noqonaya Ergeyga Qaramada Midoobay Ee Federaalka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Akhriso:-]Ninka Bedelaya Micheal Keating Ee Noqonaya Ergeyga Qaramada Midoobay Ee Federaalka Soomaaliya



Muqdisho (GGN) – Mr. Nicholas "Fink” Haysom ayaa loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating, Dublamaasigan cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa u dhashay dalka Koofur Afrika.

Danjire Michael Keating oo maamulayay xafiiska QM ee Somalia – UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo 22-kii Bishii November, 2015, Isagoo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Wakiilka cusub ee lagu bedelayo Michael Keating ayaa haatan wuxuu yahay Safiirka Qaramada midoobe ee Dalalka Sudan iyo Koofurta Sudan, iyadoo labadaas dalna Safiir looga dhigay Bishii March ee 2016, Wuxuuna xafiiska si rasmi ah u fariistay Jully.





Diblomaasiyiin iyo ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Mr Keating uu bedeli doono Ergey cusub oo u dhashay dalka Koofur Afrika.

Mr Haysom oo 66 sano jir caddaan Koofur Afrikaan ayaa ah Qareen waa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay y soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan.

Waxaa la sheegaa inuu ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta.

Qaramada Midoobay ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan inay ergaygeeda Soomaaliya uga wakiilka ah Danjire Michael Keating ay bedelayso, balse ilo wareedyo kale ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in xafiiska UNSOM ee Somalia loo magacaabi doono ergay cusub oo South Afrikaanka Cadaanka ah.

Ergayga cusub ee lagu bedelayo Danjire Michael Keating ayaa wuxuu xilka la wareegi doonaa marka uu sannadkan dhamaadka ku dhowyahay, maadaama xilliga shaqo ee Danjire Kay ku eg-tahay Bisha December 2018-ka.

Ugu dambeyn, Danjire Michael Keating ayaa tan iyo markii loo magacaabay inuu ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya noqdo, wuxuu xoogga saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro sannadka 2020-ka ee nagu soo wajahan, waloow aan la ogeyn sida doorashadaas aanu xaadirka ka eheyn noqon doonto.