[Akhriso:-] Tirada Xildhibaanada Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Gurigiisa Dhex Degtay Iyo Siyaasadda Laga Maleegayo

0
Wednesday 5th September 2018 09:16:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:-] Tirada Xildhibaanada Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Gurigiisa Dhex Degtay Iyo Siyaasadda Laga Maleegayo

    Akhriso:- Tirada Xildhibaanada Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Gurigiisa Dhex Degtay Iyo Siyaasadda Laga Maleegayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Akhriso:- Tirada Xildhibaanada Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Gurigiisa Dhex Degtay Iyo Siyaasadda Laga Maleegayo



Muqdisho (GGN) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa Jawi mashquul laga dareemayaa Hooyga uu Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Hooyga Xasan Sheekh ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shirar iyo kulamo caadi ah ku yeesha Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan dowlada hadda jirta.

Xildhibaanada ugu badan ee shirarka uga qeybgala Hooyga Xasan Sheekh oo xad dhaaf ah, ayaa waxaa ku jira kuwo la sheegay inay la dageen Madaxweynihii hore kuwaa oo saaxiib dhow la ah isla markaana ay soo dhexmartay wada shaqeyn hore.


Xildhibaanada ugu badan ee iminka saldhigtay Hooyga Xasan Sheekh ayaa ka dhexmuuqan doona Xisbi mucaarad oo la filaayo in gudaha asbuucan looga dhawaaqo magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada qaar ee dhex dagay Hooyga Xasan Sheekh aya iyagu doonaaya keliya in saaxiib kasii dhiigtan maadaama uu isku soo taagi doono doorashada la filaayo inay dhacdo laba sano kadib.

Haddaba baaritaano aan sameynay ayaa waxan ku ogaanay in Xildhibaanada aan hoos ku xusi doono ay Saldhigteen Hooyga Xasan Sheekh kuwaa oo kala ah:-

1-Xildhibaan Mustaf Sheekh Dhuxulow

2-Xildhibaan Maxamuud Abukaate

3-Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir

4-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

5-Xildhibaan Cabdulahi Maxamed Nuur

6-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

7-Sanator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)

8-Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig

9-Sanator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)

10-Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar

11-Xildhibaan C/raxmaan Odawaa

12-Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)

13-Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble

14- Xildhibaan Saadaq Macallim C/kariim

15- Xildhibaan Saabir Shuuriye

Xildhibaanada qaar ayaa sidoo kale Xasan Sheekh ugu xirtay sabab la xiriirta inay aad u mucaaradsan yihiin dowlada hadda jirta oo ay ka waayen xilal Wasaaradeed.

Sidoo kale, Xildhibaanada aan kor ku xusnay ayaa u dhexeeya Hooyga Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoteelada ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho oo marba ay mid u hoyaadan, waxa ayna tani iftiimineysaa in mas’uuliyiinta dowladii hore ay maleegayaan Siyaasado ka dhan ah dowlada hadda jirta ee uu Hoggaamiyo Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh oo u muuqda mid xili hore sii bilaabay ololihiisa ayaa gaari doono qaar kamid ah Gobolada dalka.