
Diyaarad Ka Kacday Muqdisho Oo Dib Looga Soo Celiyay Madaarka Caasimadda Kenya Iyo Fadeexad Ka Dhalatay
Diyaarad Ka Kacday Muqdisho Oo Dib Looga Soo Celiyay Madaarka Caasimadda Kenya Iyo Fadeexad Ka Dhalatay
Muqdisho-(GGN):-Warar ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in diyaarad ay la socdeen Masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya xalay laga soo celiyay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nayrobi,iyagoona dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.
Ilaa hada lama oga sababta ka dambeysa in diyaaradan dib loogu soo celiyo Muqdisho.
Sidoo kale Warar qaar ayaa sheegaya in Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya uu saarnaa diyaarada,iyadoona kadib duuliyihii diyaarada lagu wargeliyay inuu diyaarada dib ugu celiyo Muqdisho.
Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin wararka sheegaya in masuul ka tirsan dowlada Soomaaliya laga soo celiyay garoonka Jomo Kenyatta.