Madaxweyne Muuse Biixi Oo Walaac Ka Qaba Shirarka Beelaha Habar Jeclo Kaga Dhawaaqeen Gobolada Bari [Warbixin:-]

0
Tuesday 4th September 2018 10:24:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Walaac Ka Qaba Shirarka Beelaha Habar Jeclo Kaga Dhawaaqeen Gobolada Bari [Warbixin:-]

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Walaac Ka Qaba Shirarka Beelaha Habar Jeclo Kaga Dhawaaqeen Gobolada Bari Warbixin:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Walaac Ka Qaba Shirarka Beelaha Habar Jeclo Kaga Dhawaaqeen Gobolada Bari Warbixin:-



Hargeysa (GGN):- Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka biyo diidsan xilligan shirarka beelaha habar jeclo bari ku dhawaaqeen iyo waliba gobolada laga shaaciyey inay taageersan yihiin, dhinaca kalena waxaa maalintii shalay ahayd magaalada burco looga dhawaaqay shir beeleed habar jeclo leedahay oo balaadhan kaas oo saameyn balaadhan ku keenaya xukuumadda madaxweyne biixi.

Shirarkan ayay dadku sheegayaan in lagaga soo hor jeedo saami qeybsiga iyo xukuumadda madaxweyne biixi habka ay maanta u shaqeynayso, dhawaana waxay ahayd markii korneyl caare oo ka soo jeeda beelaha habar yoonis uu ka goostay ciidamad qaranka islamarkaana uu ku dhawaaqay jabhadd uu ku tilmaamay inay la dagaalamayso caddaalad darrada somaliland ka jirta waa sida ay hadalka u dhigeene.








Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi ayaa isagu dareen xaasaasi ah ay ku abuureen shirarkan iyo waliba jabhaddan, dhinaca kalena dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne muuse uu khudbad ka jeediyay jaamacadda hargeysa taas oo uu ku tilmaamayo inaanay xaq ahayn wakhtigan in xukuumadda loola hadlo sida korneyl caare lagana sheegto eedo ka dhan ah saami qeybsiga xukuumaddiisa iyo caddaalad somaliland maanta ka jirta.

Isku soo wada duuboo, shirweynaha habar jeclo bari ayaa isagu xoog u gilgilay xukuumadda iyo hogaaminta madaxweyne biixi, waxaana dhawaanahan soo muuqanayan in beelaha habar jeclo bari ay ku qadeen doorashadii madaxweyne biixi iyo codkii ay ugu hiiliyeen maadaama oo madaxweyne biixi habar jeclo bari u magacaabay 2 wasiir xasan gaafaadhi iyo hinda jaamac uun ah balse aan loo raacin wixii ay xaqqa ugu lahaayeen iyo balamihii lala galay wakhtigii uu madaxweyne biixi murrashaxa ahaa ee uu codka bulshada u baahnaa .