Madaxweyne Biixi Oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Ku Tagaya Gobolada Bari Ee Dalka Iyo Xilliga Uu Baxayo

0
Wednesday 20th June 2018 11:50:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Ku Tagaya Gobolada Bari Ee Dalka Iyo Xilliga Uu Baxayo

    Madaxweyne Biixi Oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Ku Tagaya Gobolada Bari Ee Dalka Iyo Xilliga Uu Baxayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Madaxweyne Biixi Oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Ku Tagaya Gobolada Bari Ee Dalka Iyo Xilliga Uu Baxayo

 





Ilo xogogaal ah oo Karinnews helayso ayaa sheegaya in madaxweynah Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu safar ku tagi doono toddobaadka dambe gobolada bariga Somaliland.


Safarka madaxweyne Biixi ayaa ka billaabmi doona gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco oo uu maalmo ku sugnaan doono kadibna waxa uu u gudbi doonaa dhinaca Ceerigaabo.


Ma cada inuu ku tagi doono safarkiisan dhinaca gobolka Sool oo xilligan maamul-gobolleedka Puntland dagaal ka wado.



Safarka madaxweyne Biixi ee gobolada bariga ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee rasmi ah ee uu tago meel ka baxsan caasimadda Hargeysa marka laga reebo safarkii uu ku tagay deegaanadii ay duufaantu ku dhufatay kaasi oo uu raacay diyaaradaha ciidanka cirka ee Imaaraadka.



Xoguhu waxa ay intaa ku darayaan in madaxweyne Biixi inta aanu u bixin gobolada bari uu samayn doono isku-shaandhayntiisii maalmahan aadka loo hadal hayo taasi oo galaafan doonta qaar kamida golaha wasiirada Somaliland oo ku saaqiday muddo xileedkii hore ee loo xushay.