Wasiirada Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Beenaysay In Ay Is Casilaad U Gudbisay Madaxweyne Muuse Biixi

0
Tuesday 19th June 2018 12:17:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Beenaysay In Ay Is Casilaad U Gudbisay Madaxweyne Muuse Biixi

    Wasiirada Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Beenaysay In Ay Is Casilaad U Gudbisay Madaxweyne Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Beenaysay In Ay Is Casilaad U Gudbisay Madaxweyne Muuse Biixi


Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa beenisay inay warqad iscasilaad ah u gudbisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir Shukri oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay warar baraha bulshada si weyn loogu baahiyay saddexdii maalmood ee u dambeeyay oo sheegaya inay wasiir Shukri iska casishay xilkii, waxay sheegtay inaanay waxba ka jirin wararkaas. "Warkaas waxba kama jiraan, anigii ayaa yaabay oo weliba waan maqnaa marka waxan la sheegayo, oo markaan soo galay ayuu qof waliba I soo weydiiyay. Markaas waxba kama jiraan ee wararkaasi waa been, shaqadaydana mabsuud ayaan ku ahay oo dadka shaqada badan ayaan ka mid ahay dabeecad ahaan.”

Wasiir Shukri oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi, "Anigu shaqadayda iyo halkaan joogana mabsuud ayaan ku ahay, samada ayaana madaxtinimada laga bixiyaa. Markaas wararkaasi waa been ee wax ka jiraa ma jiraan.”