
Guuxa Iskuhaandhaynta Madaxwayne Biixi Oo Hargaysa Laga Dareemayo +Laacibiinta Uu Soo Xulaanayo Oo U Badan Kaadiriintii Xisbigii Udub [Faaahfaahin ]
Warar dheeraada ah oo Shabakadda Karrinews ka helayso ilo u dhuun daloola madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya in maalmzaha soo socda uu samayn doono madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isku-shaandhayn ballaadhan oo saamayn doonta badi wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan in madaxweyne Biixi uu hadda wado la tashiyadii u dambeeyay ee isku-shaandhayntiisa.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa iyaguna kusoo laabtay gudaha dalka kuwaasi oo u badan tahay in Muuse Biixi uu xilal u dhiibo
.
Saraakiishan ayaa maalmihii u dambaysay lagu arkayay hoteelada waawayn ee caasimadda Hargeisa, badina waa rag aqoon-yahanno ah oo si wayn uga qayb qaatay doorashadii uu xisbiga Kulmiye guusha ballaadhan kasoo hooyey ee dabayaaqadii sannadkii hore ka dhacday guud ahaan Somaliland.
Xukumadda uu madaxweyne Biixi soo xushay bilowgii muddo-xileedkiisa oo immika muddo 6 bilood ah jirtay ayaa badi shacabka Somaliland si wayn uga soo horjeedaan, iyadoo ilaa haatan aan wax muuqda dalka aanay kusoo kordhin marka la tago wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo wasaaradiisu si wayn uga dhex muuqatay guud ahaan dalka oo dhan.