[War Deg Deg Ah:-] Maamulka PUNTLAND Oo Qaaday Talaabo Adag Oo Somaliland Liddi Ku ah

0
Thursday 14th June 2018 11:50:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg Ah:-] Maamulka PUNTLAND Oo Qaaday Talaabo Adag Oo Somaliland Liddi Ku ah

    Garoowe (Gargaar) –Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Garoowe (Gargaar) –Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in


 hawada laga saaro Tv-ga maamulka Somaliland ee laga daawado gudaha deegaanada maamulka Puntland.

Maamulka ayaa sheegay in Tv-ga Somaliland uusan muteysan inay daawadan shacabka ku nool Gobolada Puntland, maadaama uu dagaal ka dhexeeyo labada dhinac.

Amarka hawada looga saarayo Tv-ga ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu bixiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xersi Cali (Qarjab).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa Shirkadaha baahiya muuqaalada Tv-yada lagu amray inay hawada ka saran Tv-ga Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa shirkadaha ku amray in muddo kooban hawada looga saaro Tv-ga iyadoo shirkada ka dhaga adeegta amarkaasi laga qaadi doono talaabo sharci ah.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland ayaa waxa uu dagaal kala dhexeeya maamulka jaarka la ah ee Somaliland, kaa oo gaaray heerkii ugu xumaa.