[Deg Deg] Mudaharaadyo Cusub Oo Ka Istaadhmay Dalka Itoobiya Iyo Waxa Ay Salka Ku Hayaan [Gudaha Ka Akhri]

0
Saturday 9th June 2018 17:31:44 in Wararka by Xafiiska Dhexe
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Deg Deg] Mudaharaadyo Cusub Oo Ka Istaadhmay Dalka Itoobiya Iyo Waxa Ay Salka Ku Hayaan [Gudaha Ka Akhri]

    [Deg Deg] Mudaharaadyo Cusub Oo Ka Istaadhmay Dalka Itoobiya Iyo Waxa Ay Salka Ku Hayaan [Gudaha Ka Akhri]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
[Deg Deg] Mudaharaadyo Cusub Oo Ka Istaadhmay Dalka Itoobiya Iyo Waxa Ay Salka Ku Hayaan [Gudaha Ka Akhri]




Mudaharaadyo cusub ayaa maanta ka istaadhmay dalka Itoobiya tan iyo intii uu xilka qabtay ra'iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

Mudaharaadyadan oo ka dhacay deegaanada dhaca xuduuda dalalka Itoobiya iyo Eretariya gaar ahaan dhinaca Waqooyi ee Itoobiya ayaa salka ku hayay markii toddobaadkii hore Itoobiya ku dhawaaqday inay Eretariya ku wareejinayso dhulka ay ku muransan yihiin.


Dadka ku dhaqan deegaanada Itoobiya ka maamusho xadka ay ku muransan yihiin labada dal ayaa diidan in la hoos geeyo maamulka Asmara oo ay ku eedeynayaan inay khasab dadka ku askareeyaan.



Dadkan mudaharaadaya ayaa sheegay inay Itoobiya aanay ka fikirin mustaqbalka dadka ku dhaqan deegaanada ay hada maamusho.

Eretariya ayaa lagu eedeeyaa inay shacabkeeda u adeegsato askarayn khasab ah taasi oo marka dambe dhalisa inay iskaga yaacaan dalka.



Mudaharaadyadan ayaa imanaya afar maalmood uun kadib markuu ra'iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya uu ku dhawaaqay Inay Itoobiya ku wareejinayso Eratariya dhulka xuduudka ah ee ay ku muransan yihiiin kaasi oo hore loogu xukumay Eretariya hasayeeshee Itoobiya xoog ku joogtay.