Masaajid Ku Yaala Waddanka Canada Ayaa Sababay Dhimashada Dad Lagu Laayay Iyo Tirada La Xaqiijiyay

0
Monday 30th January 2017 12:59:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajid Ku Yaala Waddanka Canada Ayaa Sababay Dhimashada Dad Lagu Laayay Iyo Tirada La Xaqiijiyay

    Masaajid Ku Yaala Waddanka Canada Ayaa Sababay Dhimashada Dad Lagu Laayay Iyo Tirada La Xaqiijiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masaajid Ku Yaala Waddanka Canada Ayaa Sababay Dhimashada Dad Lagu Laayay Iyo Tirada La Xaqiijiyay

Canada(HLN) Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay siddeed kale ayaana ku dhaawacantay rasaas lagu furay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada.

Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda halkaas oo ay jameecaad ku tukanayeen salaad, booliiska ayaana xaqiijiyay geerida dadkaas, iyaga oo ula dhaqmaya sidii weerar argagixiso.

Booliiska magaalada Quebec ayaa sheegay in ay xireen labo ruux waxayna sheegeen in ay rumaysan yihiin in uusan jirin qof kale oo weerarkaas xirirr la lahaa oo baxsad ku maqan.

Booliiska ayaa gaaray goobta oo dilku ka dhacayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionBooliiska ayaa gaaray goobta oo dilku ka dhacay

Booliisku waxay sheegeen in goobtaasi ay ammaantay oo xaaladdu dagan tahay, ayna masaajidka ka soo daad gureeyeen dad badan oo badqaba.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in aysan jirin faahfaahin ku saabsan dadka la qabtay ayna baaritaannadu hadda uun billawdeen.

Mar sii horaysayna ra'iisalwasaaraha ayaa weerarka ku tilmaamay mid "argagixiso".

Wuxuu intaas ku daray in uu aad uga naxay, ugana carooday markii uu maqlay weerarkaas.

Soomaali qoxootinimo ku galay Kanada oo wasiir noqday

Canada oo ka hortagtay weerar argagixisnimo

Qof goobjooge ah mar sii horaysay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex ruux oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan, isla wakaaladduna waxay ku warantay in ay masaajidka galeen booliis hubaysan oo aad u yaqaana xeeladaysiga.

Dilkaas ayaa ka dhacay masaajidkan oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.




BBCSOMALI