Ma Dhabaa In Muuse Biixi Iyo Farmaajo Kulmayaan Maalmaha Soo Socda, Halkee Se Uu Ka Dhacayaa Is Aragoodu? [Akhri]

0
Saturday 9th June 2018 15:37:14 in Wararka by Xafiiska Dhexe
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Muuse Biixi Iyo Farmaajo Kulmayaan Maalmaha Soo Socda, Halkee Se Uu Ka Dhacayaa Is Aragoodu? [Akhri]

    Ma Dhabaa In Muuse Biixi Iyo Farmaajo Kulmayaan Maalmaha Soo Socda, Halkee Se Uu Ka Dhacayaa Is Aragoodu? [Akhri]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabaa In Muuse Biixi Iyo Farmaajo Kulmayaan Maalmaha Soo Socda, Halkee Se Uu Ka Dhacayaa Is Aragoodu? [Akhri]

Warar lagu kalsoon yahay oo soo baxaya ayaa sheegaya in markii ugu horeysay madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ay ku kulmayaan dalka Jabuuti.


Kulanka Jabuuti oo dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid ayaa xilligan la saadaalinayaa inuu dhaco kadib markii dawladda Jabuuti dalbatay kulankaasi hordhac ah.


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filaya inay dalka Jabuuti gaadhaan maalmaha soo socda.



Dhammaadkii toddobaadkii hore ayuu ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre booqasho ku tagay dalka Jabuuti taasi oo salka ku haysay sidii loogu sii gogol-xaadhi lahaa kulanka madaxweynayaasha.


Kulankan oo hordhac ayaa imanaya xilli xiisad kulul ka taagan tahay xadka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo dagaalo ku dhexmareen dhowr jeer ciidammo ka tirsan faderaalka Soomaaliyo iyo kuwa Somaliland.