Soomaaliya Oo Ciyaaryahano U Dirtay Ciyaaraha Koobka Adduunka Ee Ka Furmaya Ruushka [Miyey Ciyaarayaan?]

0
Saturday 9th June 2018 15:21:38 in Wararka by Xafiiska Dhexe
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Ciyaaryahano U Dirtay Ciyaaraha Koobka Adduunka Ee Ka Furmaya Ruushka [Miyey Ciyaarayaan?]

    Soomaaliya Oo Ciyaaryahano U Dirtay Ciyaaraha Koobka Adduunka Ee Ka Furmaya Ruushka [Miyey Ciyaarayaan?]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Soomaaliya Oo Ciyaaryahano U Dirtay Ciyaaraha Koobka Adduunka Ee Ka Furmaya Ruushka [Miyey Ciyaarayaan?]




Xidhiidhka Kubbada Cagta Soomaaliya ayaa dalka Ruushka u diray Saddex Ciyaaryahan oo Soomaali ah si ay usoo daawadaan Ciyaaraha Koobka Adduunka oo la filayo 14-ka bishan June ka furmo dalka Ruushka.


 

Ciyaartoydan Soomaaliyeed ayaa kamid noqonaya ciyaaryahano kala duwan oo daafaha caalamka laga keenayo oo loogu tala galay in ay daawadaan Ciyaaraha xiisaha badan ee Koobka Adduunka.


 

Guddoomiyaha xidhiidhka kubdada cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay in xidhiidhka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay kasoo codsatay saddex dhallinyaro ah oo kamid ah Ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliya.



 

"Dhalinyaro ciyaartooy oo 3 ah ayaan dirnay, waxa ay qayb ka yihiin barnaamij FIFA ay ugu magacdartay Saaxiibtinimada Kubbada Cagta, waxayna tageen Moscow, ujeedkana waxa ay tahay in dhallinyarada adduunka ka imanaya ee ka kala imanaya qaaradaha kale duwan ee adduunka ay is dhaxgal sameeyaan”. Ayuu Yidhi Mr Carab.


 

FIFA ayaana shuruud ka dhigtay ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ruushka loo diray in ay noqdaan kuwa da’dooda ay ka yar tahay 17-sano sidoo kale ka ciyaara booska difaaca.