[DEG DEG:-] Nin Isku Dhex Dal-dalay Isla Markaana Hadhcad Nafta Iskaga Jaray Xadhig Uu Qoorta Iskaga Xidhay

0
Monday 4th June 2018 14:53:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG DEG:-] Nin Isku Dhex Dal-dalay Isla Markaana Hadhcad Nafta Iskaga Jaray Xadhig Uu Qoorta Iskaga Xidhay

    Muqdisho (Gargaar) – Nin meyd ah oo la garan waayay ayaa maanta lagu arkay Xaafada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (Gargaar) – Nin meyd ah oo la garan waayay ayaa maanta lagu arkay Xaafada

 Maxfalka degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ee soo baxaya ayaa sheegaya in Ninka meydka ah ee la garan waayay uu asaga is dilay, halka warar kalane ay tilmaamayaan in la dilay Ninkaas meydka ah.

Dad deris la ah Odaygaas ayaa waxa ay sheegeen in saakay Waaberigii Odaygaas lagu dhex arkay gurigiisa isaga oo qoorta ugu jiro Xarig uu isku-daldalay,iyaga oo Magaciisa ku soo koobay Showki,kaas oo da’diisa lagu qiyaasay 50 jir

Meydka marxuumka la garan waayay ayaa la geeyay xarunta laanta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in arintaan ay ku abuurtay argagax iyo cabsi xoogan.

Masuuliyiin ka tirisan Maamulka degmada Shibis ayaa waxa ay sheegeen in Ninkaas uu dhawaan ka yimid dalka Sweden, isla markaana sababta ugu weyn uu isku-daldalay ay tahay arrimo Qoys oo heystay.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwo naadir ku ah dalka balse sanadihii u dambeeyey lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.