[Sawiro] Xisbiga KULMIYE Oo Deeq Buugaag ah Ku Wareejiyey Dugsiyo Ku Yaalla Magaalooyinka Hargeysa Iyo Laascaanood

0
Sunday 29th January 2017 13:04:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Sawiro] Xisbiga KULMIYE Oo Deeq Buugaag ah Ku Wareejiyey Dugsiyo Ku Yaalla Magaalooyinka Hargeysa Iyo Laascaanood

    [Sawiro] Xisbiga KULMIYE Oo Deeq Buugaag ah Ku Wareejiyey Dugsiyo Ku Yaalla Magaalooyinka Hargeysa Iyo Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Sawiro] Xisbiga KULMIYE Oo Deeq Buugaag ah Ku Wareejiyey Dugsiyo Ku Yaalla Magaalooyinka Hargeysa Iyo Laascaanood Hargeysa:(HLN)-Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa deeq buugaag ah maanta ku wareejiyey dugsiyada sare ee Dayib-gurey iyo Maxamuud Axmed Cali oo magaalada Hargeysa ku yaalla iyo weliba dugsiga sare ee Muuse Yuusuf oo isagu ku yaalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Munaasibadda wareejinta buugaagtan oo lagu qabtay hoolka Cali-maarshaal ee xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa kasoo qayb-galay hoggaanka sare ee xisbiga, guddoonka garabka haweenka ee heer qaran iyo heer gobol,saraakiil sarsare oo ka socotay wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha saddexda dugsi ee deeqda buugaagta ah lagu wareejiyey iyo marti-sharafa kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo mahadnaq iyo bogaadin iskugu jira.



Deeqda la wareejiyey oo ay dalka keeneen madaxda laanta xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol ee carriga Ingiriiska, ayaa ka koobnayd buugaagta kala duwan ee culuumta Sayniska, Juquraafiga, xisaabaadka iyo noocyo kale oo wax weyn ka tari doona heerka aqooneed ee ardayda dugsiyada sare wax ka barata, waxana maamulayaashii deeqdaas lagu wareejiyey ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Buugaagtaas oo ay xuseen inay qiimo badan u leeyihiin ardayda haatan wax baranaya iyo kuwa mustaqbalka soo geli doona dugsiyadaas.
Ugu horrayn xoghayaha xisbiga KULMIYE laantiisa Bristol Md. Naasir Ibraahim Suufi oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida guud ahaan xisbiga KULMIYE heeganka ugu jiro sidii uu bulshadiisa wax ugu qaban lahaa, isaga oo farta ku fiiqay inay laantaasi xil gaar ah iska saarto sidii ay waxtarka umadda qaybtooda uga qaadan lahaayeen, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada oo ay waxtar badan ka geysteen.
Xoghaye Naasir oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi, "xisbi ahaan waxa naga go’an inaanu dadkayaga wax tarno oo aanu weliba wax muuqda oo la taaban karno qabano oo aan sheegashada dhaafno, ku dhawaad Kun buug oo aanu talo galnay dugsiyo sare oo ku kala yaalla gobollada dalka, ayaanu qaarna qaybinay, qaarna dhawaan qaybin doonaa, taasina waxa ay caddaynaysaa sida ay nooga go’an tahay inuu waxtar muuqda bulshadayada u geysano.”
Mustafe Xaashi Cismaan oo isagu ah guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE laantiisa Bristol oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay halkaas kasii wadaan deeqaha kala duwan ee ay bulshada gaadhsiinayaan, waxana uu hoosta ka xarriiqay muhiimad gaar ah siinayaan da’yarta waxbarashada ku hawllan oo iyadu ah meelaha ugu muhiimsan ee umadda wax laga tari karo.
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil iyo weliba guddoomiyaha garabka haweenka ee gobolka Marwo Xusni oo iyaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si isku mid ah u ammaanay laanta xisbiga ee magaalada Bristol, waxana ay sheegeen inay taariikhda xisbiga iyo midda qarankaba meel sare ka galeen, maadaama ay si hagar la’aan ah bulshadooda ula garab taagan yihiin waxqabad loo baahan yahay.


Maamulaha dugsiga saree e Maxamuud Axmed Cali Md. Cali Axmed Balayax oo kamid ahaa maamulayaashii deeqdaas buugaagta ah lagu wareejiyey oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inay buugtaasi baahida waxbarasho ee dalka wax ka tari doonto, isla markaana ay kor u qaadayso heerka wax akhris ee ardayda dugsiyada sare ee dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta saree e Somaliland Md. Cabdi Cali oo lagu sharfay wareejinta deeqdan buugta ah, ayaa u mahadnaqay madaxda xisbiga KULMIYE, laantiisa Bristol, waxana uu farta ku fiiqay inay kor u qaadayaan aqoonta iyo garaadka ardayda xilligan dugsiyada ku jirta iyo kuwa soo geli doonaba.
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigaal (shabeel), ayaa isaguna ammaan iyo bogaadin u jeediyey saraakiisha ka socotay laanta Bristol ee xisbiga KULMIYE, waxana uu laamaha kale ee xisbiga usoo jeediyey inay ku daydaan oo ay dedaalka iyo kartida ay muujiyeen mid lamid ah la yimaadaan, isaga oo intaas ku daray inay reer Bristol marar badan oo hore deeqo wax ku ool ah dalka ka geysteen.
Xuseen Aadan-cadde oo ah guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga oo isaguna madasha deeqdan lagula kala wareegayey, ayaa hambalyeeyey xubnaha deeqdaas dalka soo gaadhsiiyey, waxana uu sheegay inay wax badan ka tari doonaan baahida waxbarasho ee dalka taallay, waxana uu kula dardaarmay inay laban laabaan deeqaha ay dalka ka geysanayaan.


Ugu dambayntii waxa madasha wareejinta deeqda soo xidhay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, waxana uu si weyn ugu mahadnaqay laanta xisbiga ee Bristol, waxana uu xusay inay ku suntan yihiin waxqabad aan kala go’ lahayn, waxana uu yidhi, "reer Bristol wax badan dalka ka qabteen ilaa iyo 2002-dii haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay dalka waxtarkiisa tahayba, wayna soo dedaaleen, caafimaadkana wax badan ka qabteen oo agab badan bay keeneen, imikana waxbarashada ayey ku dareen oo ay sii ballaadhin doonaan, wax kale oo bandanna waanu ka rajaynaynaa.”
Deeqda buugta ah, ayaa loogu talo galay in loo qaybiyo lix dugsi sare oo ku yaalla magaalooyinka Boorama, Gabiley, Hargeysa, Burco iyo Laascaanood, waxana dugsiyada hadhsan la filayaa in maalmaha soo socda lagu wareejin doono.

Image may contain: 4 people, people standing
Image may contain: 1 person, sunglassesImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, sunglassesImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 7 people, people sittingImage may contain: 10 people, people sittingImage may contain: 8 people, people sittingNo automatic alt text available.No automatic alt text available.No automatic alt text available.No automatic alt text available.Image may contain: 5 people, people standing