Kheyre oo Laamaha Amniga Faray In La Soo Qabto Dadka Wax Tahriibiya Ee ku Sugan Dalka

0
Sunday 3rd June 2018 11:42:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kheyre oo Laamaha Amniga Faray In La Soo Qabto Dadka Wax Tahriibiya Ee ku Sugan Dalka

    Muqdisho-(Gargaar)-Ra`iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laamaha amniga ee dalka faray in ay soo qabtaan dadka wax tahriibiya ee dalka ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Muqdisho-(Gargaar)-Ra`iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laamaha amniga ee dalka faray in ay soo qabtaan dadka wax tahriibiya ee dalka ku sugan.
Ra`iisul Kheyre ayaa hadalkaas ka sheegay madal ay ku sugnaayeen dhalinyaro dhawaan laga keenay dalka Liibiya oo maxbuus ku ahaa dalkaas kuwaas oo tahriib ahaa doonayay in ay ka talaabaan bada Liibiya una gudbaan wadamada Qaarada Yurub.

Kheyre ayaa yiri”haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe waxaad ogaataa in dowlada Soomaaliya ay ku howlantahay sidii cadaalada ay kuu hor keeni laheed meel kasta oo aad joogtid”.

Sidoo kale Ra`iisul Wasaaraha ayaa yiri Waxa la rabaa in hay’adaha amniga ay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.


Hadalka Ra`iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xili weli ay taagan tahay dhibaatada ka dhalatay tahriibka dhalinyaro badan oo Soomaaliyeedna ay ku dhibaateysan yihiin qaar ka mid ah dalalka caalamka.