Madaxdii Dawladda Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

0
Sunday 3rd June 2018 11:35:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxdii Dawladda Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

    Baydhabo-(Gargaar)-Mas`uuliyiin kala duwan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhbo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed oo la filayo in uu ka furmo shirka Golaha amniga Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Baydhabo-(Gargaar)-Mas`uuliyiin kala duwan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhbo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed oo la filayo in uu ka furmo shirka Golaha amniga Qaranka. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaa lafilayaa in ay gaaraan saacadaha soo socda magaalada Baydhabo xubo ka socda Madaxda dowlada dhexe, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, Xubo kale iyo Mas`uul ka socda beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa diirada waxaa lagu saari doonaa xaaladaha amaan ee dalka iyadoona la filayo in aad loogu lafaguri doono amaanka iyo arimo kale.

Bilihii dambe ayaa waxaa jiray mad madoow u dhaxeeyay madaxda dowlada dhexe iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, kuwaas oo bishii hore ku kulmay isla magaaladaan islamarkaana dhaliilay madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya.


Waxaan la filayaa si gooni ah looga hadlo mad madoowga u dhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ku kulmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.