Waa Maxay Sababta Uu Shakiga U Geliyay Guddoomiye Cirro Madaxweynenimada Muuse Biixi Iyo Hadalada Uu Ku Tiraabay

0
Monday 28th May 2018 12:46:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sababta Uu Shakiga U Geliyay Guddoomiye Cirro Madaxweynenimada Muuse Biixi Iyo Hadalada Uu Ku Tiraabay

    Waa Maxay Sababta Uu Shakiga U Geliyay Guddoomiye Cirro Madaxweynenimada Muuse Biixi Iyo Hadalada Uu Ku Tiraabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Sababta Uu Shakiga U Geliyay Guddoomiye Cirro Madaxweynenimada Muuse Biixi Iyo Hadalada Uu Ku Tiraabay



Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday In Hadaladii uu Boorama kaga hadlay ee uu mugdiga ku geliyay cidda madaxweyne ka ah Somaliland ay ahaayeen kuwo kaftan ah, hasayeeshee madaxweynaha Somaliland hogaankeeda hayaa uu yahay Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu xusay in inkasta oo la boobay, hadana ay ku qanceen natiijadii doorashada madaxtooyada ee uu muranka badani hadheeyay.


Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay Barkhad Cabdilaahi Maxamed oo ka tirsan HCTV, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Madaxweynaha Maanta Joogga Somaliland Waa Muuse Biixi Cabdi, Natiijaddiina waanu aqbalnay, hadaladaa aan ka idhi

Magaaladda Booramana kaftan baabay isaga badnaayeen, in kasta oo uu Madaxweynuhu Dhibsaday, markaa Natiijadii iyo ciddii madaxweyne noqotay Muran kuma jiro, laakiin dad badani waxa ay rumaysan yihiin in nala boobay, Laakiin Madaxweynaha Maanta Joogga Somaliland Waa Muuse Biixi Cabdi” ayuu yidhi.

Mar la waydiiyay bal heerka ay maanta marayso qabyaaladdu iyo cida uu u tuhmayo in ay halkaasi gaadhsiisay waxa uu ku jawaabay "Anigu Waxa aan isleeyahay doorashadu markii hore wax iska dabiici ah bay ahayd in lagu kala qaybsami karo, laakiin in la bogsiiyo oo nabarada la dhayo xilka ugu wayni waxauu saaran yahay xukuumadda” ayuu yidhi.