WADDANI & UCID Oo Mawqifyo Kala Fog Ka Is-taagay Go'aan Muran Dhaliyey Oo Ka Soo Baxay Guddi Uu Madaxweynaha Somaliland Magacaabay

0
Monday 7th May 2018 11:57:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI & UCID Oo Mawqifyo Kala Fog Ka Is-taagay Go'aan Muran Dhaliyey Oo Ka Soo Baxay Guddi Uu Madaxweynaha Somaliland Magacaabay

    Mucaaradka Oo Ku Qaybsamay Go'aan Ay Keligood Gaadheen Guddi Uu Madaxweynuhu U Magacaabay Qaban-qaabada Xuska 18-ka Meey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Mucaaradka Oo Ku Qaybsamay Go'aan Ay Keligood Gaadheen Guddi Uu Madaxweynuhu U Magacaabay Qaban-qaabada Xuska 18-ka Meey



Hargeysa  (Gargaar) – Ka dib Markii Guddiga Qaban-qaabada Xuska 27 Guurada Madax-banaanida Somaliland uu u Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ku dhawaaqeen in Sannadkan la qaban doono 15-ka Bisha, maaddaama 18-ka bisha May ay ku begantay bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa waxa Go’aankaa ku kala qaybsamay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Dalka.

Guddiga qaban-qaabada Xuska 18-ka May, ayaa bisha Ramadaan awgeed 15-ka bisha ka dhigay Xuska 27 Guurada Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, balse Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa diiday Go’aankaa hore loogu soo dhigay Xuska 18-ka May, waxaanu sheegay inuu xisbi ahaan 27 Guurada Madax-bannaanida JSL uu si gaar ah ugu dabbaal-degi doono maalinta ay ku beegantay oo ah 18-ka bishan May, sidoo kalena uu khalad u arko in laga dhigo 15-ka May, wallow Guddiga Qaban-qaabada xuskaasi u qaabilsan Xukuumaddu sheegeen in sababta loo soo hor-mariyey tahay bisha Ramadaan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa yidhi "18-ka bisha May waa inay noqoto maalin Dadku farxo guusha la gaadhay 27 Sannadood ka hor awgeed, isla-markaana Dadku isla xisaabtamo oo uu yidhaahdo maxaa inoo qabsoomay, laakiin aanay noqonin Munaasibado lagu ciyaaro (Dance), waana Nasiib-darro in Xukuumaddu u fahamto in Fusuqa la samayn karo 18-ka May oo ay tidhaahdo Bisha Ramadaan ayaanu kala soo cararraynaa Xuska 18-ka May, markaa annagu arrintaa khalad weyn baanu u aragnaa (In Xukuumaddu 15-ka May ka dhigto Xuska 18-ka May), waxaanuna xusi doonaa 18-ka May, waxaanu qaban doonaa Munaasibad weyn, Gobolladana waanu ku qaban doonaa, laakiin Munaasibadda ugu weyn waxa lagu qaban doonaa Hargeysa..”

Balse, Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Xukuumadda ku raacay go’aanka ah in Xuska 27 Guurada Madax-banaanida Somaliland la qabto 15-ka bishan, maaddaama oo bisha Ramadaan ku beegantay 18-ka bisha Meey.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo isaguna Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi "Maaddaama oo 18-ka May ay sannadkan ku soo beegantay bisha Ramadaan, lama odhanin yaan la xusin ee waalla soo hor-mariyey oo waxa la yidhi hala xuso 15-ka May, markaa wax dhibaato ah oo ku jirtaa ma jirto.”

Guddoomiye ku-xigeenka UCID wuxuu sheegay in Xisbiyada qaar diidaan in 15 Meey loo soo rarro Xuska 18-ka may ay sababtay Xukuumadda oo aan la tashi la samaynin Xisbiyada ka hor inta aanay Go’aankan qaadanin "Waxa keenay in Xisbiyada Qaar yidhaahdaa 18 May ayaanu gaar u xusaynaa waa go’aan ay Xukuumaddu keligeed qaadatay in 15-ka may loo soo hor-mariyo Xuska, markaa go’aannada siyaasiga ah ee Qarankani leeyahay maaha inay Xukuumaddu keligeed iska qaadato..”ayuu yidhi.