Weerar Bahalnimo Ah Oo Ka Dhacay Dalka Liibiya Iyo Khasaaraha Dhabta Ah Ee Ka Dashay [Riix Halkan:-]

0
Thursday 3rd May 2018 12:33:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Bahalnimo Ah Oo Ka Dhacay Dalka Liibiya Iyo Khasaaraha Dhabta Ah Ee Ka Dashay [Riix Halkan:-]

    Weerar Bahalnimo Ah Oo Ka Dhacay Dalka Liibiya Iyo Khasaaraha Dhabta Ah Ee Ka Dashay [Riix Halkan:-]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Bahalnimo Ah Oo Ka Dhacay Dalka Liibiya Iyo Khasaaraha Dhabta Ah Ee Ka Dashay [Riix Halkan:-]




Tripoli (Gargaar) Weerarkan oo uu fuliyay naftii halige watay gaari waxyaabaha qarxa siday ayaa ka dhacay magaalada Tripoli ee caasimadda Dalka Liibiya,halkaasi oo ay ka socoto diyaar garowga doorasho ka dhacaysa dalkaasi.

Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka dalkaasina,weerarkan waxaa ku dhimatay 12 qof halka tiro kale oo aan la shaacin ay ku dhaawacmeen.

Qofka naftii haligaha ahaa ayaa gaariga qarxay wuxuu la beegsaday xarunta guddiga doorashooyinka dalkaasi Liibiya,halkaasi oo guddigu uu ka waday diwaan gelinta codbixiyaasha doorashada dalkaasi,waxaana lagu tilmaamaya in uu yahay Weerarkan kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ka dhaca caasimada Liibiya ee Tripoli.





Kooxaha argagixisada ee Daacish ayaa ku faantay dhibaataynta dadkaasi shacabka ah oo ay dileen,iyadoo muddooyinkan dambebe uu dalkaasi Liibiya ka socday ololaha doorashada Dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in muddo kooban ay is rasaaseeyeen ilaalada xarunta la weeraray iyo koxdii falkaasi geysatay,kuwaasi oo rasaas ku furay shaqaalaha iyo xubnaha guddiga doorashada.

Dowladda Liibiya weli war rasmi ah kama soo saarin weerarkaasi iyo dadka ku dhintay.