Cabdiraxmaan-Cirro Oo Guddoomiye Saleebaan Ugu Baaqay Inuu Xilka Iska Casilo, Kuna Taliyay In Gudoomiyaha Guurtida Loo Xulo Sheekh Aadan-Siiro

0
Sunday 29th April 2018 11:16:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 300
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan-Cirro Oo Guddoomiye Saleebaan Ugu Baaqay Inuu Xilka Iska Casilo, Kuna Taliyay In Gudoomiyaha Guurtida Loo Xulo Sheekh Aadan-Siiro

    Hargeysa(Gargaar)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Hargeysa(Gargaar)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

 ayaa ugu baaqay guddoomiyaha golaha guurtida inuu ka nasto xilka shirguddoonka, islamarkaana kursigaas loo doorto Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro), si buu yidhi uu isla xisaabtan dhab ahi u yimaado.

Cirro ayaa xalay saxaafadda kula hadlay magaalada Burco oo uu shalay gelinkii dambe safar ku tagay, waxaanu sidoo kale ka hadlay xukunka lagu riday boqor Cismaan Buurmadoow oo uu xadhigiisa ku tilmaamay mid siyaasadeed. "Gudoomiye Saleebaan Muddo qaranka wuu u soo shaqeeyey waxaana maanta la gaadhey wakhtigii uu ka nasan lahaa mansabkaas ee loo dhiibi lahaa shaqsigii halkaas ka sii wadi lahaa. Waxaan soo jeedin lahaa in Golaha Guurtida guddoomiye looga dhigo Sheekh Aadan-Siiro si isla xisaabtan dhab ahi u yimaado ” ayuu yidhi cirro.

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa kale oo uu ka hadlay xukunka lagu riday Boqor Buurmadoow, waxaanu yidhi "Xal uma arko in lagu deg dego xadhiga madax dhaqameedka , dariiqa xadhiga boqor Buurmadow loo maray waa sharci daro , Waxaana loo xidhay wax aan aheyn waxii lagu soo eedeyey. Boqor Buurmadow uma xidhna safarkii uu Puntland ku tagay , waxaa loo xidhay Boqorka muran ka dhaxeeya Kulmiye dhexdiisa oo ah soo wareejinta gudoomiyaha Kulmiye , Muuse [Madaxweynaha] waxaan leeyahay fuli waxii aad kula heshiisay odayaasha ee barigii olalaha gacanta la isku dhiibay.”

Hargeysa

Geesta kale, guddoomiye Cirro, ka hor intii aanu safarka ku tagin wuxuu Hargeysa ku qabtay shirjaraa’id, waxaanu hadalkiisa ku yidhi sidan Cabdiraxmaan Cirro oo arimaha ka hadlayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Somaliland maanta waxaa ka jira duruufo dhaqaale oo aad u adag. Shaqo la’aan baahsan ayaa aafaysay dhalin yaradeenii. Waayeelka iyo hooyooyinku ma haystaan daryeel caafimaad iyo mid kale toona. Tiiyoo ay sidaas tahay ayaa sicir barbar ba’an oo naxariista ka fogi maalin kasta shacbiga ku sii kordhayaa. Intii xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE hayeen xilka waxaa uu qiimaha shilinka Somaliland hoos u dhacay wax ku dhaw 50%. Waxaa Ayaan daro ah in xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi la foof daran habawday xal u helidii arrimaha dhaqaalaha iyo gaar ahaan sicir barbarka. Mudadii uu xilika hayayna sicir barbarkii sii kordhay ha joogto inuu wax ka qabtay. Waad ka warqabtaan, Guddi Madaxweynuhu u saaray xal u raadinta sicir bararka laakiin xukuumadii meel qaldan ayay ka doontay waanay cadahay maanta in gudidaasi ku fashilantay xal u helida arrimaha sicir bararka.

Madaxweyne Muuse waxa uu madaxweyne u yahay shacbi dhan 3.5 million oo badidoodu duruufo adag oo dhaqaale la il daran yihiin oo la nool yihiin. Su’aashu waxa weeye Madaxweynuhu shacbiga ku jira duruuftaas qalafsan ma dareemayaa mase ka warqabaa ? Hadduu ka warqabo ama dareemeeyo siday u suurto gashay inuu korodhsado miisaaniyadda madaxtooyadda ee sanadka 2018 109%? Kharashkan madaxtooyada ee loo kordhiyey boqolkiiba boqol iyo weliba 9% waxay ahayd in sicir bararka lagula tacaalo oo wax lagaga qabto.

Maalin kasta waxaan la kulmaa oo sheeko la wadaagaa qaar ka mida shacbiga oo la daalaa dhacayaa duruufahaas dhaqaale ee sicir barbarkuna sii aafeeyay. Waxaan khamiistii 26/4/2018 soo maray qaybo ka mid magaalada Hargeysa ( sidaad ka aragteen qalabka warbaahinta). Dadkii aan waraystay waxaa ka mid ahaa hooyo Amina Ahmed Cige oo ah hooyo 45 jira ah oo 8 caruura haysata oo degan xaafada 150-ka odaygeediinu yahay askari jooga aaga bari ee Somaliland si uu u difaaco nabada aan ku naaloonayno. Waxaa ay hooyadaasi ii sheegtay inay qaataan mushahar 847000 SL lacagtan oo laba sano ka hor u dhigmaysay $121 laakiin maanta u dhiganta $ 82, Waxaa ay ii sheegtay inay ku jirto guri kiro ah, school iyo malcaamad lacag laga rabo, caafimaad laga rabo noloshii kaloo dhammina ay sugayso. Hooyadaasi waxay ku nooshay werwar joogtaa waxaanay la duruuftahay boqolaal kun oo hooyo oo kale.

Waxaan booqday dukaan raashinka tafaariiq ku iibiya oo ku yaal xaafadda Axmed Dhagax. Wuxuu ii sheegay inuu sicir barar aad u xumi saameeyey nolosha qoys kasta. Waxa uu yidhi waxa sicir bararka waxa sii xumeeyey in dhawaan la kordhiyey cashuurta qiimaha raashinka kala duwan iyo badeecadaha 40% taas oo ganacsatada waaweyn ku kordhiyeen qiimaha raashinka intii in le,eg. Waxa uu ninkani sheegay in iminka 10ka qof ee u soo gala inay saddex qudhi awoodaan inay wax iibsadaan todobada kalena iska noqdaan markaan u sheego in qiimihii shalay kordhay 40%.

Dukaanlahani waxa uu ii sheegay inaanay haba yaraatee go’aamadii gudidii madaxweynuhu u saaray xalinta scir baraka aanay waxba ka bedelin sicir bararka balse sicir bararku sii kordhay. Sidoo kale waxa uu sheegay inaan sicir bararka waxba ka tarin ZAAD kii iyo E-Dahabkii isticmaalkooda Meesha laga saaray oo aanay yeelan wax saameyn ah haba yaraatee.

Waxaan booqday suuqa weyn ee sarifka. Waxaan bedeshay 100 dollar oo la iigu sarifay sL shillings 1.040.000, Waxaad ka warqabtaan in Baanka Dhexe ee Somaliland uu dhamaan muwaadiniinta u diro fariin heerka sarifka maalintaas oo ahayd 26/4/2018 gacanta hore SL shillings 1.025.000,=. Markaan weydiiyey sariflayaasha waxay u hirgelin waayeen rayte-ka baanka dhexe waxay iigu jawaabeen taasi weli ma fadhido waa tijaabo. Taas waxay ina tusaysaa inaan fariin subaxii la diro lagu xakamayn Karin sarifka lacagta ee suuqa ee ay u baahantahay siyaasad iyo faham gundheer.

Mid ka mid aha sariflayaasha waxa uu sheegay in xiligii xuumadda UDUB uu Baanka Dhexe awood lahaa oo marka dollarka loo baahdo isagu noo keeni dollar marka shilin ka loo baahan yahayna soo dayn jiray shilin.Mid ka mid sariflayaasha waxa uu sheegay in sarifku hoos u dhici lahaa haddii aan xukuumadu kordhin tacriifadda raashinka iyo badeecadaha 40%. Waxa kale oo sheegeen in weli aanay hirgelin in lagu bixiyo lacagta Somaliland kirooyinka, iskoolada, dhaqaatiirka, laydhka, xitaa qaybo ka mid aha cashuurta dawladda. Waxaan booqday suuqa hilibka ka iyo qudaarta. Qiimaha Hilibka waxa uu marayaa qiime ay awoodi karaan in yar oo keliyii. Qiimaha killoga hilibka ahi waxa uu marayaa Sl Shillings 40.000, ama ka badan. Markaan waydiiyey sababta waxay sheegeen in qiimaha neefka adhiga ahi ka badan hal milyan shilin, halka neefka geela ahi ka badan toban milyan shilin.

Mid ka mid dukaamada iibiya basasha iyo baradhada iyo waxa la midka ah waxay ii sheegeen inay ku iibsadaan badeecdaha mar hore dollar kuna iibiyaan shilin. Marka dambana u baahdaan dollar. Waxay sheegeen in iminka shay kastaan khasaaraan faaiido ha joogtee kun shilin. Aan u soo noqdo oo is dul taago sicir bararka. Marka laga yimaado inuu taabtay nololsha qof kasta oo reer Somaliland ah waxaa uu xoog u sii taabtay inta taagta daran sida ciidamada qaranka, police-ka macalimiinta, muruqmaalka, ganacsatada yaryar iyo dadka reer baadiyahaa.

Waxaa Ayaan daro ah in Madaxweyne Muuse gacmaha ka laabtay oo aad moodo inuu ka rajo dhigay inuu wax ka qaban karo sicir barbarka. Gudidii uu magacaabay dib maynaan u arag. Waxaan xukuumadda u soo jeedinaynaa in haddii talaabooyinkii ay xalka u arkeen waxba ka bedeli weeyeen sicir bararka aanay madax ciidda gashan eeay la yimaadaan talaabooyin cusub oo oo mashkiladan wax lagaga qabanayo.

Xalinta sicir bararku wuxuu u baahanyahay qorshe aqoon saldhig looga dhigay. Lamana gaadhi karo xal hadii aan marka hore si qoto dheer loo fahmin sababaha sicir bararka . Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa qaar ka mida sababaha sixir bararka. Mushkilada Sarif-Bararka waxa saldhig u ah, oo qof kastaa fahmayaa, waa dhibaatada ka taagan, lacagta suuqa soo galaysa (supply) iyo lacagta suuqu u baahan yahay (demand) oon isu miisaaneyn.

Walaalayaal waxa istaagay ishii ugu muhimsanayd ee lacagta adagi inaga soo geli jirtay oo ahayd xoolaha nool, waxa qirin qiir ku jirta lacagtii qurba-joogtu soo diri jirtay oo xawaaladihii culays weyn uu la soo darsay oo aan xukumada kulmiye weligeed ka hadal. Waxa xataa adkaatay in dalka lacag adag lagu soo celiyo oo qofka badeecad debeda geeyaa aanu lacag caddaan u soo diri Karin waddanka, culayska ka jira dhinaca xawilaada iyo inagoo aan lahayn hab bangi oo gaadhsiisan heer caalamiya oo uu lacago waaweyn gudbin karaan. Iyadoo ay yaraatay dollar kii ina soo galaayay ayaa baahidii loo qabayna badatay waxaana sii kordhiyay.

DP world oo u baahan inay ku kaydsato dhakhligeeda doolaar waxa la xaqiijinayaa inay maalin kasta suuqyada ka urursadaan dollar maadaamoo adeegyada dekeda lagu bixiyo shilling Somaliland. Sidoo kale shirkadaha qaadu waxay habeen kasta suuqyada ka urursadeen suuqa lacag badan $200.000,= .

Waxay ahayd in xukuumadu ku dhiiri geliso labada shirkadood iyo kuwa kale ee qaba baahi dollar inay isticmaalaan oo xisaabo ka furtraab baanka Somaliland. Waxaa kale oo caado noqotay in lacag la iska soo daabaco tiiyoo aan siyaasad loo raacin sanadkana miisaanyada ayaa lagu daray daabacaad lacag cusub arintaas oo aanu ka digayno cawaaqibka dhaqaale ee ka dhalan doona. Waxaa cad in xukumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE ku fashilmeen wax ka qabashada sicir bararka waxaana sabab u ah:-

  1. Ma jiro bangi dhexe oo siyaasada lacagta fahamsan, waxaana curyaamiyay xukuumadihii KULMIYE ee kala danbeeyay oo awoodiisi meelo kale geeyay.
  2. Ma jiro sharcig-lacageed "monetary law” iyo siyaasad lacageed oo qeexan oo lagu maalmulo lacagta dalkeenna.
  3. Xukuumadda kulmiye ma oga dhaqdhaaqa lacageed ee suuqa sida lacagta soo gasha ta baxda iyo ta suuqu u baahan yahay.
  4. Musuqmaasuqa baahay ee xukuumadii KULMIYE wuxuu sabab u noqday in in masuuliyiin ka tirsanaa xukuumadihii KULMIYE ay lacag badan oo dollar ah dalka ka saareen.

Wuxuu yidhi abwaan Gaariye

Nin daawee la leeyahay

Danbi uu badh leeyahay

Xalka doon la leeyahay

Isagay u darantoo

In la daaro ma oggola

Deebaaqda mililka leh

Si xal loogu helo sicir bararka loona kobciyo dhaqaalaha dalka , waxaan xukuumadda KULMIYE u soo jeedinaynaa inay samayso siyaasado cadcad oo gundhig u noqda wax ka qabashada mushkiladaha dhaqaalaha kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin

  • Siyaasada maamulka lacagta (monetary policy)
  • Siyaasada dhaqaalah iyo miisaaniyada (fisical policy)
  • Siyaasada daah furnaanta maamulka lacagta. (public financial management)

Sanad ka hore xukumada kulmiye waxay inoo sheegtay markii ay ku biireen xulufada Sucuudiga in xoolaheena la furaayo arintaas oo aan ilaa hada rumoobin ayaa hadana uu madaxweyne Muse Biixi ku celiyay markii uu safarka ku tegay imaaraadka.

Arrinta furitaanka xooluhu waxay wax wayn ka tari kartaa kor u kaca dhaqaalaha iyo la dagaalanka sicir bararka sidaas daraadeed waxaanu xukumada u soo jeedinaynaa inay xoolaha Somaliland suuq u raadiyaan hadii ay rumoobiwayday in ka mid noqoshada Somaliland xululafada inoo fuurta suuqa xoolaha.”