Safaaraddii Imaaraadka Ee Muqdisho Oo Shaqadii Gebi Ahaanba Joojisay Iyo Albaabada Oo La Iskugu Dhufanayo

0
Saturday 28th April 2018 12:28:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaraddii Imaaraadka Ee Muqdisho Oo Shaqadii Gebi Ahaanba Joojisay Iyo Albaabada Oo La Iskugu Dhufanayo

    Muqdisho (Gargaar) –Sida ay xogtu nagu soo gaareyso waxaa si KMG ah loo hakiyay dhammaan shaqooyinkii ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (Gargaar) –Sida ay xogtu nagu soo gaareyso waxaa si KMG ah loo hakiyay dhammaan shaqooyinkii ay

dowlada Imaaraadka carabta ka dhexwaday Safaaradeeda Somalia.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in dowlada Imaaraadka carabta ay si KMG ah usii joojisay shaqooyinkii ka dhex socday Safaaradeeda magaalada Muqdisho.

Amarka lagu sii hakinaayo shaqooyinkii ka dhex socday Safaarada ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo baxay Wasiirka arrimaha dibadda isutaga Imaaraadka carabta.

Wasaarada arrimaha dibada Imaaraadka ayaa ka dhowr sugeysa isbedel ku imaada khilaafka kala dhexeeya dowlada Somalia.

Sidoo kale, Dowlad Imaaraadka ayaa sidoo kale si KMG ah Muqdisho kala dhex baxday diplumaasiyiinteeda kuwaa oo dalka kasii maqnaan doona inta laga hagaajiyo xiriirka labada dal.

Dowlada Somalia ayaa kabiya diidan in dowlada Imaaraadka carabta ay ku tagrifasho Qaranimada Somalia, taa oo sabab u noqotay in labada dal ay ku heshiin waayan.

Ma cadda dhabaha ay dowlada Imaaraadka carabta u mari doonto xalinta xiisada Siyaasadeed eek ala dhexeysa dowlada Somalia.