Wasiirka Amniga Oo Caasimadda Ammaankeeda Kormeer Deg Deg Ah Ku Kala Bixiyey [Sawiro]

0
Saturday 28th April 2018 11:59:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Oo Caasimadda Ammaankeeda Kormeer Deg Deg Ah Ku Kala Bixiyey [Sawiro]

    Wasiirka Amniga Oo Caasimadda Ammaankeeda Kormeer Deg Deg Ah Ku Kala Bixiyey [Sawiro]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Wasiirka Amniga Oo Caasimadda Ammaankeeda Kormeer Deg Deg Ah Ku Kala Bixiyey [Sawiro]


Iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ayaa wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) waxaa uu kormeer ku sameeyey dhamaan goobaha ay ka socdaan howlgaladaasi,isagoo u kuurgalayay sida loo xaqiijinayo amniga caasimadda.


Meelaha uu booqday Wasiirka amniga oo ay wehliyeen guddoomiyaha Gobolka Banaadir,taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska waxaa kamid ah dhamaan barkoontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho iyo isgoysyada magaalada,sida Exkontarool Afgooye,Wadada Warshadaha iyo meelo kale.

Wasiir Maxamed Abuukar Ducaale iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa ku dhiirogeliyay ciidamada ku jira heeganka in ay waajibkooda si hufan u gutaan,ayna shacabka ka difaacaan cadowga Al-shabaab.

Mudadii ay kormeerka kujireen ayaa xaruntii Jamaacadda Gahayr ee Muqdisho,waxaa ay kula kulmeen saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyeed kuwaasi oo ku sugan halkaasi,iyagoo wax ka weydiinayay sida ay u socdaan howlahaasi amni sugidda ah.

Ugu dambeyn Wasiirka amniga,guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo saraakiishii la socotay ayaa waxey kormeerka kusoo gabo gabeeyeen Xeebta dheer ee liido, oo xiliyada habeenkii ah maqaaxiyo ku yaala dhalinyaradu ku qaxweeyaan, wasiirka ayaana halkaa dhalinta kula qaatay tamashalaha nasiinada jimcaha.