"Hargeysa waxaanu ku haynaa qaar (Golaha Deegaanka) wuxuun cuno oo aan Dalka waxba gelinin…"

0
Monday 23rd April 2018 09:34:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hargeysa waxaanu ku haynaa qaar (Golaha Deegaanka) wuxuun cuno oo aan Dalka waxba gelinin…"

    "Markii Madaxweyne Siilaanyo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay Jabuuti ku kulmeen, ayaa la yidhi Dekeddii way socotaa (Heshiiskii DP World), markaas ayuu (Xasan Sheekh) yidhi waxba kama qabo, markaa…" Guddoomiyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markii Madaxweyne Siilaanyo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay Jabuuti ku kulmeen, ayaa la yidhi Dekeddii way socotaa (Heshiiskii DP World), markaas ayuu (Xasan Sheekh) yidhi waxba kama qabo, markaa…" Guddoomiyaha Xisbiga UCID






Berbera, (Gargaar) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si faahfaahsan uga hadlay Heshiiska Shirkadda DP World ku maalgelinayso Dekedda Berbera, taasi oo Xukuumaddii hore ee Somaliland la saxeexatay Shirkadda DP World.

Faysal Cali Waraabe oo daba socda hadal uu Wasiiru-dawlaha Arrimaha dibedda ee Dawladda Imaaraadka Carabtu ku sheegay in heshiiska Dekedda Berbera ay Isfaham kala yeesheen Xukuumaddii hore ee Soomaaliya, ayaa waxa Faysal sheegay in Dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaaliya aanay wax lug ah ku lahayn heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera, balse Xasan Sheekh Maxamuud ogaa Wada-hadallada lagu gaadhay Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera, kuwaasi oo uu xusay inay socdeen Muddo 9 bilood ah.

Faysal wuxuu sheegay in isfahamka la sheegayo in Dawladda Soomaaliya lagala yeeshay Heshiiska Dekedda Berbera aanu ahayn sida loo dhigay, balse Wada-hadalladii koowaad ee Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Dalka Turkiga ku heshiiyeen inaan la siyaasadaynin waxyaabaha la xidhiidha horumarinta.

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Isfaham baa jiray innaga iyo Soomaaliya, wada-hadalladii aanu 2013-kii Dawladdii Xasan Sheekh kula galnay Magaalada Istanbul ee Turkiga oo ahaa Wejigii koowaad, waxaanu ku heshiinay inaan wixii horumar ah aan la siyaasadaynin. Dekedda Berbera iyo DP World markii uu hadalkeedu yimid iyo waxa kulmay makii Madaxweyne Siilaanyo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay Jabuuti ku kulmeen, markaas ayaa la yidhi Dekeddii way socotaa markaas ayuu yidhi (Xasan Sheekh) waxba kama qabo, markaa Isfahamka la inoo sheegayo ee la inoogu beddelay Xasan Sheekh wuu saxeexay Heshiiska (waakaas)..”

Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu Shacabka ku canaantay hubsiimo la’aan "Waa la inna khiyaameeyay (ayaad leedihiin) bal maxaa la innagu khiyaameeyay Dekeddii way innoo socotaaye, Gooni isku taaggeenniina waynu haysannaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Kaba soo qaad, hadduu Xasan Sheekh inoo saxeexay (Heshiiska Dekedda Berbera), miyeynu khasaarnay ? sow Danteenii inooma socoto, Dekedda isagu ma wax-buu ku leeyahay..”