Garab Loogu Magac-daray 'Badbaadada Xisbiga WADDANI' Oo Shalay Lagaga Dhawaaqay Hargeysa Iyo Guddoomiye Ay Doorteen

0
Monday 23rd April 2018 09:30:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garab Loogu Magac-daray 'Badbaadada Xisbiga WADDANI' Oo Shalay Lagaga Dhawaaqay Hargeysa Iyo Guddoomiye Ay Doorteen

    Hargeysa, (Gargaar) - Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xoghayihii guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, Wasiirkii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Hargeysa, (Gargaar) - Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xoghayihii guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, Wasiirkii hore

 ee Wasaaradda Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Xisbiga WADDANI iyo Xubno kale oo miisaan ku leh Xisbigaa ayaa Shalay ku dhawaaqay garab ay ku sheegeen ‘Garabka Badbaadada Xisbiga WADDANI’.

Xubnahan oo sheegay inay doorteen Guddoomiye ku meel-gaadh ah, ayaa sheegay in sababta ku keliftay inay garabkan ku dhawaaqaan tahay in Guddoomiye Cirro uu ku takri-falay awooddii Xisbiga isla-markaana uu Masuuliyiintii Xisbiga wakhtiga badan galiyey uu maalinba mid leeyahay waan eryey, taasina tahay Sharci-darro aan loo dul-qaadan Karin.

Faarax Cilmi Geedoole oo ka mid ah Xubnaha garabkan ka midka ah oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi "Intayada halkan joogta iyo in badan oo iman doonta oo aad arki doontaan oo aanu isku dareen nahay waxaanu aaminsanahay inaanu halkan kaga dhawaaqno inaanu nahay Garabka badbaadada ee Xisbiga WADDANI, Garabkani wuxuu noqon doonaa garab xooggan oo ugu yeedhaya Dadka nala fikradda ah ee Xisbiga ka midka ah inay ku soo biiraan, si aynu Xisbigii dib ugu dhisno, imikana waxaanu Xisbiga u samaynay Guddoomiye ku meel-gaadh ah..”

Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Xisbiga WADDANI Mr. Shiine Dheere oo dhawaan uu Guddoomiye Cirro sheegay inuu xilka ka qaaday ayaa isaguna halkaa ka sheegay"Xisbiga waxa naga galay Tacab, Dadkayagii iyo ehelkayagii maryo dhiigle ayaanu ku kala furanay sidii aanu Xisbigaa u soo saari lahayn, wakhti baa naga galay, Hanti baa naga gashay, markaa inaanu nidhaahno Guddoomiyaha ayaa Warqad soo saaray oo aanu ka dhaqdhaqaaqno (Suurto-gal maaha), waa waxyaabaha aanu kaga soo horjeedno Guddoomiye Cirro Warqaddaa uu soo qorayaa ee aanu Xisbiga u badbaadinaynaa, waxaanu ku badbaadinaynaa marka uu Guddoomiyuhu baal-maro Sharciga Xisbiga inaanu saxno.”

Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo dhawaan Guddoomiye Cirro sheegay in laga qaaday xilkii xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, ayaa isaguna gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi "Maaddaama oo uu Cirro ka leexday Waddadii lagu aasaasay Xisbigan inaanu Guddoomiye u doorano Cismaan, ku-xigeenna uu sidii uu horeba u ahaa u ahaado Shiine dheere, Hoggaamiyaha Xisbigana uu noqdo Faarax Cilmi Geedoole, waxa kale oo aanu go’aansanay haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI inaanu sharciga ku soo dabbbaalno Guddoomiye Cirro oo Sharciga ku takri-falay awooddii aanu u dhiibnay ee Xisbiga oo aanu Hay’adaha Sharciga marno.”