"Haddii Madaxweyneyaashu Eed Leeyihiin Geddigeen-baa Leh, Waayo? Golayaashu Go'aannada Way Ka Wada Qayb-Galeen..

0
Sunday 22nd April 2018 09:01:02 in Wararka by Admin Office
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii Madaxweyneyaashu Eed Leeyihiin Geddigeen-baa Leh, Waayo? Golayaashu Go'aannada Way Ka Wada Qayb-Galeen..

    "Haddii Madaxweyneyaashu Eed Leeyihiin Geddigeen-baa Leh, Waayo? Golayaashu Go'aannada Way Ka Wada Qayb-Galeen.."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii Madaxweyneyaashu Eed Leeyihiin Geddigeen-baa Leh, Waayo? Golayaashu Go'aannada Way Ka Wada Qayb-Galeen.."


Hargeysa, (Gargaar) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka dareen-celiyey Hadal uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ku sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi ay sameeyeen khiyaamo Qaran, sidaasi darteedna Madaxweynaha xilka hayana Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo, Madaxweynihii horena Maxkamad la soo taago.



Wasiiru-dawlaha Arrimaha dibedda ee Imaaraadka Carabta ayaa Toddobaadkii hore sheegay in Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ay isfaham kala yeesheen Dawladda Soomaaliya isla-markaana aanay wax xidhiidh ah la lahayn Somaliland, sidaasi awgeed ayaa Guddoomiyaha WADDANI sheegay in Xukuumaddii Madaxweyne Axmed-siilaanyo oo sheegtay inay heshiiskaa gashay ay Khiyaamo Qaran samaysay oo aanay iyadu heshiiskaa gelin, balse Dawladda Soomaaliya heshiiska Berbera saxeexday, sidaasi darteedna uu soo jeedinayo in Madaxweynihii hore Maxkamad la soo taago, ka xilka hayana Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo, balse Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo Shalay Saxaafaddu waydiisay sida uu u arko hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha WADDANI, ayaa ku jawaabay "Arrintaasi arrin aan is leeyahay jawaab ayay leedahay Maaha, Labada Madaxweyne ee la eedaynayo iyo Goleyaashu Go’aannada qarankan way ka wada qayb-galeen, haddii Madaxweyneyaashu eed leeyihiin Geddigeen baa leh, markaa Khiyaamo Qaran ayay galeen iyo Maxkamad hala saaro Anigu Warkaa ma hayo, wax Maxkamadda lagu geeyo Labada Madaxweyne iyo Cid kale toona Anigu ma hayo, Waayo? Goleyaashan ayaa Ansixiyey hawlan labada Madaxweyne lagu eedaynayo…”ayuu yidhi.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xilliga la ansixiyey heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isla-markaana Guddoominayey fadhigii lagu ansixiyey Heshiiskaasi.