"Inanka Lagu Xidhay Hadalka Uu Yidhi Ee Ah "Madaxweynuhu Waa Local Waxaasi Waa Xukun Qarqoosh" …Siyaasi Buubaa

0
Saturday 21st April 2018 10:07:48 in Wararka by Xarunta Guud
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Inanka Lagu Xidhay Hadalka Uu Yidhi Ee Ah "Madaxweynuhu Waa Local Waxaasi Waa Xukun Qarqoosh" …Siyaasi Buubaa

    "Inanka Lagu Xidhay Hadalka Uu Yidhi Ee Ah "Madaxweynuhu Waa Local Waxaasi Waa Xukun Qarqoosh" …Siyaasi Buubaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inanka Lagu Xidhay Hadalka Uu Yidhi Ee Ah "Madaxweynuhu Waa Local Waxaasi Waa Xukun Qarqoosh" …Siyaasi Buubaa


Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa ka hadlay labadii dhalinyarta ahaa ee ay Dhawaan maxkamadaha Somaliland xukunka ku rideen,Waxa uu dhaliilay waxa eedooda loo cuskay,waxaana uu Madaxweynaha u soo jeediyay inuu si deg deg ah xorriyadooda u soo celiyay isagoo sheegay in arimaha Noocaasi oo kale ahi ay dhibaato iyo kala qaybsanaan u horseedi karaan shacabka Reer Somaliland gudihiisa.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yidhi"Inanka lagu xidhay Hadal uu yidhi ee ah "Madaxweynuhu waa LOCAL”, hadaa muxuu noqonayaa haddaanu LOCAL ahayn Madaxweynuhu,Naciima Qorane Ray’yigeeda ayay cabirtay,waliba iyada oo leh waan ku riyooday,oo si dadban u sheegaysa,aniga waxa ay ila tahay Arimahaasi Somaliland aqoonsiga ay Caalamka ka rabto iyo deganaanshiyaha Somaliland laga rabo labadaba Khatar ayay ku yihiin,si deg deg ah Dawladu inay uga noqoto, Xukunadaasi, Xukun Qarqooshka ah,ee ku salaysan Qof necaybka,iyo reer Necaybka,iyo waxaan dan Somaliland u ahayn, Dadkan Reer Somaliland-na aad iyo aad Dhibaato u dhex dhigi kara”



Waxa kale oo uu yidhi"Arintaasi Naciima Qoranne,Khaasatan Madaxweyne Muuse Biixi oo ay Habar yar u tahay in iyada oo markii horeba aad looga cabanayay wasiirkiisa War faafinta,arimo uu ku tiraabay oo aan anigu u arko uun Nacasnimo uun aan ku sheegi karo,oo maantana ay tanni ku darsanto,Waxay keenaysaa in dad waynaha Somaliland kala fogaado,oo dhibaato la dhex dhigo sidaas awaawadeed,Cidda laga sugayo inay Arimahaasi ka qaadato qaraar soo celiya Midnimada Shacabka Somaliland waa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi,waa arin u taala oo aan kula talinnayo inuu si deg deg ah looga noqdo xukunkaasi aan ku salaysnayn cadaalad iyo Dawladnimo midnaba”.Ayuu Yidhi..