Cudurka Kaneecada Ama Duumada Oo Laga Cabsi Qabo Inay Caalamka Ku Soo Laba Kacleyso [Akhri War Soo Baxay Iminka :-]

0
Wednesday 18th April 2018 13:30:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Kaneecada Ama Duumada Oo Laga Cabsi Qabo Inay Caalamka Ku Soo Laba Kacleyso [Akhri War Soo Baxay Iminka :-]

    Cudurka Kaneecada Ama Duumada Oo Laga Cabsi Qabo Inay Caalamka Ku Soo Laba Kacleyso Akhri War Soo Baxay Iminka :-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Kaneecada Ama Duumada Oo Laga Cabsi Qabo Inay Caalamka Ku Soo Laba Kacleyso Akhri War Soo Baxay Iminka :-



Markii ugu horreysay muddo laga joogo 10 sano ayaa kiisaska duumada waxay yihiin kuwo aan hoos u dhacayn, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in uu dib u soo noqdo cudurkan laayaanka ah.

Bill Gates iyo Khubarro kale ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha adduunka ee ka soo qayb galay shirkii wadamada barwaaqa sooranka ee lagu qabtay London inay kharash ku deeqaan si loola dagaalamo cudurka duumada.




Waxaa 2016kii khatar ugu jiray cudurka duumada kala bar dadka ku nool adduunka.

Tirada kiisaska duumada ayaa gaaray 216 milyan oo ka jira 91 waddan, marka la barbardhigo 2015kii oo ahayd 5 milyan oo kiis.

Khubarada ayaa ka digaya in haddii la sameeyo baaritaan badan iyo ka hortag badan la yarayn karo tirada dadka u dhimanaya cudurka duumada.

Kiisaska duumada ayaa waxay ku soo badanayaan qaybo ka mid ah Mareykanka ,Koonfur bari Aasiya,Waqooyiga Baasifigga iyo Afrika,iyadoo qaybo badan oo ka tirsan gobolkana uu cudurka ka sii yaranayo.

"Daawada wax qabad malaha"

Mar uu Bill Gates la hadlayey Radio 4 ,ayaa waxa uu sheegay in kaneecada keenta cudurka duumada ay soo badanayso balse yoolkooda uu yahayin kiisaskan kala bar la yareeyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jirto rajo haddii la helo kharash badan iyo saynisyahano wanaagsan oo la tacaala cudurkan.

Tallaalka cusub ee Mosquirix ayaa waxaa loo isticmaalay in cudurka looga difaaco currurta yaryar ee ku sugan qaaradda Afrika,kuwaas oo khatar weyn ugu jira cudurka duumada.

Balse waxa ay u baahan tahay kharash iyo waqti badan haddii la doonayo in cudurkaan la yareeyo.

Haddii la billaabo iskudayo lagu yaraynayo kiisaska cudurka duumada waxa ay badbaadinaysaa nolosha dad gaaraya 650,000 oo ku sugan waddamada barwaaqa sooranka ,sida ay khubarada sheegayaan.

Baabi'inta cudurka duumada

Dowladda UK ayaa sheegtay 500 oo malyan oo Gini ay sanadkii galinayso si ay ula dagaalanto cudurka duumada muddo 3 sano ah .

Ra'iilsal wasaaraha dalka Britain ayaa tiri "waxaa maanta halis ugu jira cudurka malariyada malaayin qof, waxaana hoos u dhac uu ku yimid dhaqaalaha, iyadoo labadii daqiiqaba ay ilmo yar u dhintaan cudurka malariyada ,taas ayaana sababaysa in waddamada barwaaqa sooranka ay ku howlan yihiin sidii ay cudurkan u yaran lahaayeen".