Xilkii Prof. Jawaari Banneeyay Oo Iminka La Bilaabay In Olole Cusub Loo Galo Iyo Xaaladda Oo Meel Sare Mareysa

0
Wednesday 18th April 2018 12:07:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilkii Prof. Jawaari Banneeyay Oo Iminka La Bilaabay In Olole Cusub Loo Galo Iyo Xaaladda Oo Meel Sare Mareysa

    Xilkii Prof. Jawaari Banneeyay Oo Iminka La Bilaabay In Olole Cusub Loo Galo Iyo Xaaladda Oo Meel Sare Mareysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilkii Prof. Jawaari Banneeyay Oo Iminka La Bilaabay In Olole Cusub Loo Galo Iyo Xaaladda Oo Meel Sare Mareysa


Muqdisho (GGN)-Waxaa magaalada Muqdisho si xooli ah uga socda dadaalada loogu jiro diyaarinta shaqsiyaadka ku loolami lahaa Kursiga uu iska casilay Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Shaqsiyaadka u taagan Kursiga uu iska casilay Jawaari ayaa ololahooda ka dhexwada Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho iyo goobaha amaanka ah oo ay degan yihiin Xildhibaanada qaar.




Musharaxiinta oo ay tiradooda sii kordheyso ayaa waxa uu mid waliba wataa qorshooyin ugaara oo ay ku kasbanayaan Xildhibaanada la filaayo inay codeyn doonaan.

Musharaxiinta ugu miisaanka culus ayaa ilaa iyo hadda gaaraya Seddex Musharax oo la orankaro taageero ayey ku dhex leeyihiin baarlamaanka, halka Xildhibaanda kale ay yihiin kuwo doonaaya inay ka dhex muuqdan Taariikhda.

Musharaxiinta ololaha wada qaarkood ayaa taageero ka helaaya Madaxda ugu sareysa dalka waxaana la saadaalinayaa in guusha ay raaci doonto cida ay wadato Madaxda.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada Kursiga uu iska casilay Jawaari ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana lagu wadaa in maalmahaasi ka hor lasoo dhameystiri shuruudaha doorashada.