''Waxaanu imika ku sugan nahay Qori-lugud,….labadii Beelood ee walaalaha ahaa ee dagaalku dhexmaray,… balse ilaa hadda iskumaanu keenin,''

0
Wednesday 18th April 2018 10:53:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Waxaanu imika ku sugan nahay Qori-lugud,….labadii Beelood ee walaalaha ahaa ee dagaalku dhexmaray,… balse ilaa hadda iskumaanu keenin,''

    ''Waxaanu imika ku sugan nahay Qori-lugud,….labadii Beelood ee walaalaha ahaa ee dagaalku dhexmaray,… balse ilaa hadda iskumaanu keenin,''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
''Waxaanu imika ku sugan nahay Qori-lugud,….labadii Beelood ee walaalaha ahaa ee dagaalku dhexmaray,… balse ilaa hadda iskumaanu keenin,''



Hargeysa (GGN)-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, oo ku sugan hadda Qori-lugud, ayaa ka hadlay halkay u marayso hawshii dhex-dhexaadinta iyo ergaynta laba beelood ee dagaal ku dhex maray, deegaano ka tirsan Buuhoodle, waxaanu xusay in wax-qaradka iyo masuuliyadda labada Beeloodba ay is arkeen, balse ilaa hadda aanay waxba u dhammaan.



Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale wax aad loola yaabo ku tilmaamay in ilaa hadda aan la diyaarin xeerarkii lagu dooran lahaa Wakiilada iyo Guurtida, waxaanu ugu horeyn yidhi "Waxaanu imika ku sugan nahay Qori-lugud, oo aanu maalmahanba joognay, waxaanu u baxnay waa sidii aanu u dhex-dhexaadin lahayn, isla markaana u heshiinayn lahayn labada Beelood ee walaalaha ah ee dagaalku dhexmaray, Masuuliyiinta, Wax-qaradka iyo Madax-dhaqameedka labada Beeloodba waanu aragnay, oo si gooni gooniya ayaanu u aragnay, balse ilaa hadda iskumaanu keenin, oo maanu heshisiin, oo wali ergayntii baa noo socota,balse waxaanu ku rajo weyn nahay in haddii ALLE ka dhigo aanu colaadan soo dhammayno, ALLENA waxaanu ka baryeynaa inuu inagu asturo”.

Xildhibaan Muuse ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka Guurtida iyo Wakiiladda ayaa yidhi "Wakhtigu uu is gurayaa, oo waxaynu ka war haynay in muddo laba sanno ah Doorashada Wakiilada loo kordhiyey, halka Guurtidana loo kordhiyey muddo saddex sanno ah, Doorashadii Wakiilada hal sanno ayaa ka dhiman, Doorashadii Guurtidana laba sanno, sidaas oo ay tahay cidii noolata oo ALLE gaadhsiiyo, waa beri ka maalin, laakiin waxa dhibaato ah in Doorashooyinkii oo fooda inagu soo haya, in haddana aynaan sameeysan xeerarkii Doorashooyinka ee Wakiilada iyo Guurtida, laakiin taladaydu waa in muddadaas hadhay laga hawl-galaa oo lagu sii diyaariyaa”.