[War Deg Deg Ah]:-Dooxa Weyn Ee Aw Barkhadle Oo Qaaday Gaadhi Xamuula Iyo Dadkii Saarna + Tirada Khasaraha Dhimashada Uu Sababay

0
Monday 16th April 2018 19:05:44 in Wararka by Xarunta Guud
  • Visits: 1927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg Ah]:-Dooxa Weyn Ee Aw Barkhadle Oo Qaaday Gaadhi Xamuula Iyo Dadkii Saarna + Tirada Khasaraha Dhimashada Uu Sababay

    [War Deg Deg Ah]:-Dooxa Weyn Ee Aw Barkhadle Oo Qaaday Gaadhi Xamuula Iyo Dadkii Saarna + Tirada Khasaraha Dhimashada Uu Sababay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
[War Deg Deg Ah]:-Dooxa Weyn Ee Aw Barkhadle Oo Qaaday Gaadhi Xamuula Iyo Dadkii Saarna + Tirada Khasaraha Dhimashada Uu Sababay

Dooxa Aw-Barkhadle Oo Qaaday Gaadhi Xamuula Iyo Dadkii Saarna Oo Uu Qaarna Qaatay Kuwa Kalana Faro-cideed Lagu Badbaadiyey

Hal qof ayaa ku dhintaykadib markii uu galabta dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga Hargeysa uu qaaday Gaadhi Xamuul ahoo ka yimid magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha tuullada Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr, oo u waramay wakaallada wararka Somaliland eeSOLNA, ayaa sheegay in daad xoog leh oo ka soo rogmaday dooxa Aw-barkhadle uu la tagay Baabuur nooca loo yaqaano waaraadka ah oo siday khudrad kana yimid magaalada Berbera.

Guddoomiyuhu wuxuu Tilmaamay inay maydka ALLE ha u naxariistee dirawalkii Baabuurkaas oo la odhan jiray Marxuum-Maxamed Cabdilaahi (Ina Caga-saydh)ay ka heleen goob shan kiiloo mitir u jirta tuulada Awbarkhadle.

halka kirish-boygii gaadhigaasbulshadadegaanka Aw-barkhadle ay badbaadiyeen.

Guddoomiyaha magaalada Aw-barkhadleMahad Maxamuud Gahayr wuxuu intaas ku daray inay ciidan dhigeen dooxa Aw-barkhadle si ay gaadiidka uga horjoogsadaan inay isku biimeeyaan daadkaas, waxaanu gaadiidleyda ku booriyey in aanay ku degdegin inay maraan dooxyadadaadku socdo, iyadoo sannad kasta ay dad ku dhintaan baabuurta daadku qaado.