Xukuumadda Washington Oo Cunaqatayn Dheeraad Ah Ku Soo Rogaysa Ruushka

0
Monday 16th April 2018 07:49:22 in Wararka by Xarunta Guud
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Washington Oo Cunaqatayn Dheeraad Ah Ku Soo Rogaysa Ruushka

    Xukuumadda Washington Oo Cunaqatayn Dheeraad Ah Ku Soo Rogaysa Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Xukuumadda Washington Oo Cunaqatayn Dheeraad Ah Ku Soo Rogaysa Ruushka

Dowladda Mreykanka ayaa cunaqabatayntani ku soo rogaysa shirkadaha Ruushka ee xiriirka la leh madaxwaynaha Suuriya Bashar al Assad.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley, ayaa sheegtay in tillaabooyiinkan cusub ay jawaab u yihiin isticmaalka la sheegay in ay dowladda Suuriya adeegsatay hub Kimika ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale beenisay wararka sheegaya in madaxwayne Trump uu qorshaynayo in ciidamadiisa uu kala baxo Suuriya muddo 6 bilood gudahood ah.

Nikki Haley ayaa intaa ku dartay in Mareykanka ay doonayaan in ay xaqiijiyaan in dalka Suuriya aan mar dambe lagu isticmaalin hub Kimiko ah.

Danjiraha dowladda Mareykanka Nikki Haley, ayaa carabka ku dhufatay in xukuumadda Washington ay sidoo kale doonayso in ay dhamaystirto howlagalada ka dhanka ah kooxda IS ayna fashiliso galaangalka dowladda Iiraan ee gobolka.

Laba maalin ka hor ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka,Britain iyo Faransiiska ay duqeeyeen saldhigyo ku yaalla Suuriya oo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwa laga hago hubka Kimikada ee Suuriya.